4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 7 , 2015
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Xafiis ka furatay Jowhar (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 07, 2015 (HOL) — Maxkamada darajada 1-aad ee ciidanka qalabka sida ee Somalia ayaa maanta xafiis ka furatay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo munaasabadda furitaanka xafiiskaan ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidammada qalabka sida, Col. Xasan Cali Nuur Shuute ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray maxkamada ciidamada qalabka sida iyo xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidamada ee degmada Jowhar.

Xafladda furitaanka xafiiska maxkmaadda ciidamada ee degmada Jowhar oo ka dhacday xarunta maxkamadda gobolka Shabeellada dhexe ayaa xubnihii ka qaybgalay ka mid ahaa; guddoomiyaha Shabeellada Dhexe, Cali Guud-laawe, ku xigeenkiisa siyaasada iyo amniga, Axmed Meyre Makaraan iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Col. Xasan Cali Nuur Shuute oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in laga billaabo maanta ay xafiis ku yeelanayaan Jowhar, ayna maxkamaddu tegi doonto furumaha; wixii lasoo qabtana isla goobta lagu maxkamadeyn doono.

“Waxaan fariin u dirayaa shacabka gobolka ku nool in kuwa ka tirsanaa Al-shabaab ee ka soo tagay in lagu soo wargeliyo maamulka gobolka iyo ciidamada amniga si loo diiwaan-geliyo,” ayuu yiri Col. Shuute oo hadal ka jeediyay xafladda xarigga looga jarayay xafiiska maxkamadda.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe, Cali Guud-laawe oo isna ka hadlay furitaanka xafiiska maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo xafiiskan maxkamaddu ku yeelatay Jowhar isagoo xusay in maamulkiisu uu ka qaybqaadan doono sidii maxkamaddani howlaheeda u gudan lahayd.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka ayaa wafdigii ka socday maxkamadda ciidamada qalabka siday lug ku dhex-marsiiyay suuqyada Jowhar. Iyadoo ay soo booqdeen wafdigu suuqa weyn ee Jowhar, sida suuqyada qudaarta iyo xoolaha; iyagoo shacabku ay gacmo-furan kusoo dhaweeyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya