4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 7 , 2015
WADANI & UCID oo Xukuumada Somaliland uga Digay in ay Xilliga Kororsato


Sabti, Feberaayo 07, 2015 (HOL) — Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku saxiixday heshiis iskaashi ah, iyagoo xukuumadda uga digay inay sameysato muddo kororsi.

UCID iyo WADANI oo ah xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ka jira ayaa sheegay inay xukuumadda ka ogolaan doonin inay muddo kororsi sameysato, ayna doonayaan inay ku dhacaan doorashooyinka xilligii loogu talo-galay.

“Maanta waxaa halkan isugu yimid xisbiyada mucaarad ee WADANI iyo UCID, waxaana sameysanay guddi labada dhinac ah oo min shan xubnood ka kooban, kana arrinsan doona - xaaladda uu waddanku marayo, doorashooyinka nagu soo fool iyo sidii ay u qabsoomi lahayd doorashada madaxnimo,” ayuu yiri xoghayaha guud ee xisbiga UCID, Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo madasha ka hadlay.

Sidoo kale, Qodax ayaa sheegay in labada xisbi mucaarad ay ku heshiiyeen dhowr qodob, isagoo yiri. “Haddaanu nahay labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADANI, waxaan isla garanay inaanu yeelanno iskaashi mucaaraadnimo oo buuxa, isla markaana aan ka tashanno sidii laga yeeli lahaa doorashoooyinka soo socda. Waanan isku waafaqnay.”

Xoghayaha Guud ee UCID oo sii hadlayay ayaa sheegay in xilliga baarlamaanka iyo kan xukuumadda uu ku eg-yahay 26-ka bisha Juun ee sannadkan, isagoo ku sheegay hadalkiisa inay isku waafaqeen oo kale inay xukuumadda hadda xilka haysa uga digaan inay muddo kororsi sameyso, marka la gaaro xilliga uu waqtigoodu ku eg-yahay.

“Labada xisbi mucaarad waxay si dhab ah ugu heshiiyeen inay wixii maanta ka dambeeya ay noqdaan laba xisbi oo wada-shaqeyn wanaagsan ka leh sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd oo aynu kasoo horjeedno xilli kororsi ay sameysato xukuumadda,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Qodax.

Dhanka kale, waxaa isaguna goobta ka hadlay Axmed Xaaji C/llaahi Xamarji oo ka socday xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo sheegay inay xisbiyadu ay maanta wixii ka dambeeya yihiin laba xisbi oo wada-socda, heshiiska ay gaareena uu yahay mid ay ku jirto maslaxada Somaliland.

Ugu dambeyn, Xamarji ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 26-ka bisha Juun ee soo socota aysan u aqoonsan doonin xukuumadda iyo baarlamaanka inay sharci yihiin, isagoo ku baaqay in doorashooyinka madaxnimo ee Somaliland la qabto xilligii loogu talo-galay, muddo kordhinna aysan aqbali doonin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya