4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 7 , 2015
Ururka Midowga Afrika oo si adag uga hadlay dagaalkii degmada Baladweyne


Sabti, Feberaayo 07, 2015 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyay iska-horimaadyo u dhaxeeya labo maleeshiyo oo degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ka dhacay.

Ergeyga Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Maman S. Sidikou oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Midowga Afrika uu ka qayb-qaadanayo sidii loo joojin lahaa colaaddaas oo ay dadi ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, danjire Sidikour ayaa malleeshiyooyin beeloodka dagaallamaya ugu baaqay inay joojiyaan colaadda, isla markaana ay ixtiraamaan dadaalka nabadda ee dalka ka socda, isagoo waxgaradka labada beelood iyagana ugu baaqay inay qayb ka qaataan joojinta colaaddan.

“Waxaan diyaar u nahay AMISOM ahaan inaan ka qaybqaadanno dadallada lagu heshiisiinayo labadan beelood ee colaaddu ku dhexmaratay degmada Baladweyne, sidii aan horay uga qaybqaadannay heshiisiinta beelo dagaal uu ku dhexmaray gobolka Shabeellada Hoose,” ayuu yiri danjire Sidikour.

Dhanka kale, ergayga ururka Midowga Afrika ee Somalia ayaa baarlamaanka Somalia ka dalbaday in si deg-deg ah ay u ansixiyaan wasiirrada cusub ee uu habeen ka hor soo magacaabay ra’iisul wasaaraha Somalia, Sharma’arke.

Ugu dambeyn, danjire Sidikou wuxuu sheegay in wasiirada cusub dhawaan la magacaabay inay horyaallaan howlo badan oo uu hakad ku yimid tan iyo markii ay meesha ka baxday xukuumaddii kalsoonida lagala noqday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya