4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 7 , 2015
Wariye lagu dhaawacay Magaalada Gaalkacyo iyo ururka NUSOJ oo ka hadlay


Sabti, Feberaayo 07, 2015 (HOL) — Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa guur-dhow oo manta ah lagu dhaawacay wariye, Siraaji Yuusuf Sugaal oo ahaa wariyihii uga soo warrami jiray magaaladaas Idaacadda Kulmiye oo xarunteedu tahay Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in wariyaha ay ku dhacday xabbad ka baxsatay nin bastoolad sifey-sanayay, iyadoo la sheegay in xabbbadu kaga dhacday qaybaha sare ee jirkiisa, waxaana la geeyay isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo, halkaasoo lagu daweynayo.

Agaasime ku xigeenka idaacadda Kulmiye oo xarunteedu tahay Muqdisho, Burhaan Diini ayaa sheegay in weriyaha xabbaddu ku fakatay, balse uusan ahayn dhaawiciisu mid isaga lagu bartilmaameedsanayay.

Dhaawaca wariye Siraaji ayaa waxaa ka hadlay ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, iyagoo ugu baaqay maamulka Galmudug oo aan weli ka hadlin dhaawaca wari-yaha inay baaritaan deg-deg ah ku sameeyaan falka lagu dhaawacay wariyaha.

“Maamulka GALMUDUG oo ka taliya deegaanka wariyaha lagu dhaawacay waxaan ugu baaqaynaa inay baaritaanno deg-deg ah ku sameeyaan dhaawaca wariyaha iyo qaabkii uu u dhacay, ciddii ku lug lahaydna sharciga la horkeeno,” ayuu ku xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim war-saxaafadeed uu ururku soo saaray.

Ugu dambeyn, magaalada Gaalkacyo ayaa noqotay goobaha ugu khatarsan ee suxufiyiintu ka shaqeeyaan, iyadoo ay faraha ka sii baxayaan weerarrada lagu bar-tilmaameedsanayo wariyyeyaasha ka howlgala gobolka Mudug.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya