4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 7 , 2015
Xaflad loo Qabtay Arday Deeq Waxbarasho ka Helay Is. Soomaalida Itoobiya
Sabti, Feberaayo 07, 2015 (HOL) — Xafladdan oo ahayd mid lagu sagootinayay ardey deeq waxbarasho ka heshay ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu qabtay Xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo, iyadoo munaasibaddani ay kazoo qeybgaleen odoyaal dhaqameed, madaxda ka socotay maamulka Jubbaland iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulsha reer Kismaayo.

Xafladdan ayaa waxaa hadallo kala duwan oo u badan mahadcelin iyo dardaaran ka jeediyay madaxdii kala duwanayd ee goobta ka hadashay, waxaana tirade ardeyda deeqda waxbarasho heshay ay gaareeysaa ilaa 100 ardey oo isugu jiray wiilal iyo gabdho waxbarashadooda ilaa heer dugsi sare ku dhameystay gobollada Jubooyinka.

Wasiirka arimaha bulshada iyo waxbarasha maamulka Jubbaland oo kamid ahaa madaxdii ka hadashay goobta ayaa uga mahadceliyay ismaamulka Soomaalida Itoobiya deeqda waxbarasho ee ay siiyeen ardeydan, isagoo sidoo kale ku dardaarmay ardeydii heshay deeqda waxbarasho in ay la yimaadaan dadaal dheeri ah.

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in ay baxdo qeybta ugu horeeyso ee ardeyda, waxayna ardeydani wax ka baran doonaan Jaamacado ku yaal magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ardeyda 100-ka ah ayaa ah ardeyda ku guuleysatay imtixaanaad ay wasaaradda arimaha bulshada iyo waxbarasha u qabatay ardeyda ka baxday dugsiyada sare ee ku dhaqan degmooyinka gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya