4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 7 , 2015
Xisbi lagu Magacaabo XIIS oo shalay Muqdisho looga dhawaaqay (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 07, 2015 (HOL) — Iyadoo dalka ay kusoo badanayaan xisbiyada dhanka siyaasadda ah ayaa waxaa shalay looga dhawaaqay Muqdisho xisbi cusub oo la magac-baxay Xisbiga Isbahaysiga Isbedel-doonka Soomaaliya ee XIIS, waxaana guddoomiye ka ah xisbigan siyaasiga, C/llaahi Ciil-mooge Xirsi oo horay wasiirka warfaafinta Soomaaliya u soo noqday.

Xaflad ka dhacday Hotel Saxafi oo lagu daah-furayay xisbiga cusub ee XIIS ayaa waxaa ka qaybgalay waxgaradk, suxufiyiin, siyaasiyiin iyo xubno kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana ka dhex-muuqday dad ka kala yimid gobollada Soomaaliya oo dhan.

Sidoo kale, xubnihii kulanka goobjoogga ka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa; Max'ed Cabdi Yuusuf, Axmed Macallin Fiqi, Faadumo C/llaahi Insaaniya, xildhibaan Maxamed Cabdi Shuuriye, Cabdi Shire iyo sidoo kale ardayda Midowga Jaamacadaha gobolka Banaadir.

Cabdulaahi Ciil-mooge oo madasha ka hadlay ayaa sheegey inaysan muuqan saansaan lagu gaari karo hiigsiga 2016-ka, sidaasi darteed loo baahan yahay in la furo wadatashi Qaran si dalka loogu jiheeyo horumar.

Mar uu ka hadlayay lacagaha tirada badan ee waddamada carrabta ay ku harqiyaan dadka doonaya inay qabtaan xilka ugu sarreeya dalka ayuu yiri. “Ma jirto meel adduunka ka mid ah oo laga ogol-yahay in dalal shisheeye ay maalgeliyaan olole doorasho. Waxaan ka codsanayaa baarlamaanka sharafta leh inay sharciyo kasoo saaraan arrintaas, waayo dalalkii lacagta gashaday ayuu mas’uulku dhow daacad u yahay, markii uu ku guuleysto hoggaanka dalka loo doorto.”

Ciil-mooge ayaa walwal ka muujiyey xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka oo xisaabaadyadoodii laga xiray, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay ka dhigan tahay musiibo dad samee ah oo ku habsan karta malaayiinta Soomaali ah oo noloshoodu ku tiirsan tahay lacagaha ay ehelkoodu biil uga soo diraan dalka Maraykanka.

“Dowladda Maraykanka codsi ayaan u diranaynaa xisbi ahaa, howl badana ayaanan horay u soo wada-qabannay, hadana gacmaha isma dulsaaranayno,” ayuu mar kale yiri C/llaahi Ciil-mooge Xirsi.

Faadumo C/llaahi Insaaniya ayaa sheegtay iyaduna in xisbigii SYL uu kusoo shaqeeyay duruufo intan ka adag, iyaduna ay aaminsan tahay in haddii uun isku-day la sameeyo la hagaajin karo wax badan.

Dhamaan dadkii xafladda ku sugnaa ayaa bogaadiyay xisbiga cusub ee XIIS, waxayna ku tilmaameen rajo cusub oo u soo bidhaameysa Soomaaliya; mar haddii dadka Soomaaliyeed intay fikir ku midoobaan, kaddibna ay wadajir wax u qabsadaan iyadoo qabiil la eegayn.

Si kastaba ha ahaatee, Aragtiyada uu ku shaqeyn doono xisbiga XIIS waxaa ka mid ah; Ammaanka, cadaaladda iyo dib u heshiisiinta, xoojinta sharciga dalka, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo adeegga bulshada, siyaasadda iyo maamul-wanaagga, Xoojinta doorka dumarka iyo dhallinyarada, xiriirka caalamiga ah, Adkeynta iyo xoojinta xorriyadda iyo fikirka iyo dhameystirka nidaamka federaalka ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya