4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 7 , 2015
Ciidamo kala dhex-galay Malleeshiyo beeleed ku Dagaallamay Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 07, 2015 (HOL) — Subaxnimadii hore ee saaka ayaa mar kale rasaas laga maqlay qeybo ka mid ah xaaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne oo ay ku dagaallamayaan labo maleeshiyo beeleed.

Iska-horimaadka subaxnimadii hore ee saaka dhacay kaddib ayay bilaabeen ciidammada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa midowgga Africa AMISOM in ay u dhaqaaqaan xaafadaha lagu dhax-dagaallamayo si loo kala dirro maleeshiyada iska soo horjeeda loona joojiyo xabada.

Ciidammada oo ku hubeysnaa gadiidka dagaalka ayaa socod ku maray qeybo ka mid ah xaafadda Howl-wadaag, gaar ahaan agaagga ay isku hor fadhiyeen dhinacyada iska soo horjeeda, waxaana ay saraakiishu ku amreen horjoogayaasha maleeshiyada iyo waxgaradka dhinacyada dagaallamaya in xabada la joojiyo, loona dulqaadan doonin in lagu sii dul-dagaallamo dadka rayid ah oo maalintii labaad wali guryahooda ku go'doonsan.

HOL oo qeyb ka aheyd socodka ciidammada ay ku marayeen agagga lagu dagaallamay, ayeey u sheegeen dadka rayidka ah in maalintii labaad awoodi la'yihiin in ay ka soo baxaan guryahooda, iyaga oo ka  cabsi qaba wax yeello ka soo gaarta dagaallka iyo rasaasta leys weydaarsanayo, waxaana ay ka dalbanayeen ciidammada in laga dul-qaado dhinacyada iska soo horjeeda.

Taliyayaasha ugu sareeya ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo kuwa Itoobiya ee ka wadda tirsan AMISOM oo la kulmay odayaasha iyo waxgaradka beellaha diriraya ayaa wadda jir u sheegay in mas'uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabad-galyada, sidaa awgeed looga baahan yahay labada dhinac in ay ka fikiraan cawaaqibka arrintan ka dhalan kara.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wajib ka saaran dhinacooda ilaalinta nabad-galyada dadka rayidka ah, una dul-qaadan doonin dagaal danbe oo dhaca.

''Mas'uuliyada dadka annaga ayeey na saaran tahay ma aqbali doono in maleeshiyaad ku dul-dagaallamaan xaafaddo dad rayid ah ku nool yihiin, waxaan leenahay marka hore nabada halaga shaqeeyo dabcan wixii intaa-dhaafsan hay'adaha amniga ayay mas'uuliyadi ka saaran shaqadoodana way qabsan doonaan," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Waxaa xirran dhamaan goobihii ganacsiga xaafaddaha lagu dagaallamay, meelaha qaarna waxaa naloo sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay dadka guryahooda aysan kasoo bixin.

Ugu dambeyn, xaaladda ayaa waqtigan degan waxaana soconaya shirar kala duwan oo ay leeyihiin mas'uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidammada dowladda, AMISOM iyo odayaasha oo looga wadda hadllayo siddii looga fogaan lahaa dagaal danbe oo dhaca.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya