4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 7 , 2015
Prof. Jawaari oo la Kulmay Shariif Xasan iyo Sh. Axmed Madoobe (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 07, 2015 (HOL) — Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa si wadajir ah kulan ula qaatay madaxweynayaasha maamullada KMG ah ee Koonfur-galbeed, Jabbaland, xildhibaannada heer federaal ee kala matalaya shacabka ku nool gobollada ay labadan maamul ka taliyaan, odayaal dhaqameedyo iyo dhallinyaro.

Kulanka oo ahaa mid wadatashi iyo is-xog wareysi ahaa ayaa ka dhacay Villa Hargeysa; waxaana Jawaari oo shirka furay uu uga mahad-celiyay dhinacyada kasoo qaybgalay kulanka, isagoo tilmaamay in waqtigu uu gaaban yahay loogana baahan yahay shacabka maamulladan KMG ah inay is-cafiyaan oo ay gacmaha is-qabsadaan isla markaasina horay u socdaan, iyadoo lagu dadaallayo midnimada waddanka iyo midda bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inay tahay lagama maarmaan in la helo dib u heshiisiin dhab ah oo dhex-marta dadka ku nool gobollada ay ka arrimiyaan labada maamul goboleed iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha hormarinta, amniga, daris-wanaagga iyo in si loo dhan yahay loo dhameystiro dhismaha maamulladan KMG-ka ah ee dalka.

Madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Sheekh Axmed Madoobe ayaa labaduba ka siiyay dhankooda faahfaahin guddoomiyaha baarlamaanka iyo dhinacyadii kala duwanaa ee kulanka ka qayb-galay halkaay wax u marayaan, wixii u qabsoomay iyo halka ay hiigsanayaan; taasoo aad loogu riyaaqay.

Ugu dambeyn, waxaa la go'aamiyay in la sameeyo guddiyo ka kooban xildhibaanno oday-dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo ururrada bulshada rayidka ah; kuwaasoo hubinaya dhamey-stirka dhismaha maamulladaan KMG ah ee Koonfur-galbeed iyo Jubba, si ay u noqdaan kuwo ay dadka oo dhan raalli ka yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya