4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 7 , 2015
Xiriirka Kubadda Cagta Afrika oo ganaax dul-dhigay sadex dal oo Afrikaan ah


Sabti, Feberaayo 07, 2015 (HOL) — Xiririka kubadda cagta Qaaradda Afrika ee CAF ayaa ganaaxyo dul-dhigay dalalka Equatorial Guinea, Morocco iyo Tunisia oo dhamaantood uu xiriirku ku eedeeyay inay ku kaceen falal ka baxasan shuruucda kubadda cagta Afrika.

Equatorial Guinea ayaa la dul-dhigay lacag ganaax ah oo gaaraysa 100,000 oo doollarka Mareykanka ah, kaddib taageerayaasha xulkooda ay rabshado ka sameeyeen garoonka, xilli ay socotay ciyaar u dhexmaraysay xulkooda iyo xulka Ghana, taasoo ay ciyaarta kama dambeysta ah ugu soo baxday Ghana oo xulka Equatorial Guinea kaga badisay 3-0.

Sidoo kale, dalka marti-gelinaya Koobka Afrika ayaa looga digay in rabshadahan oo kale ay ka sameeyaan taageeraya xulkooda garoonka kubadda cagta ee Malabo oo ay maanta ciyaar loogu soo baxayo kaalinta saddexaad ee Koobkan ay ku dhexmarayso iyaga iyo xulka DR Congo.

Waxaa kaloo Equatorial Guinea looga digay in haddii taageerayaashooda ay ku kacaan mid la mid ah rabshadihii ay ka sameeyeen garoonka Malabo ay ciyaarti doonaan xulkooda iyagoo aan wax taageero ah garoonka u joojin.

Rabashadii ka dhacay garoonka kubadda cagta ee magaalada Malabo oo ah xarunta dalka Equatorial Guinea ayaa waxaa ku dhaawacmay 36-qof, iyadoo la sheegay in mid ka mid ah dadkaas uu yaallo isbitaalka halkaasoo looga daweynayo dhaawicii soo gaaray.

Dhanka kale, xulka kubadda cagta ee dalka Morocco oo ahaa dalkii horay ugu qorsheynaa inuu marti-geliyo ciyaaraha kubadda cagta ee Afrika ayaa la dul-dhigay ganaax lacageed oo gaaraya 1-milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Morocco ayaa ayaa waxaa kaloo la dul-dhigay inay bixiyaan lacag dhan 8-milyan oo Euro, taasoo lagu sheegay inay tahay qalalaasihii xiriirka kasoo gaaray inay dal kale u raadiyaan marti-gelinta ciyaaraha Qaramada Afrika ee sannadkan 2015-ka.

Xulka Morocco ayaa waxaa sidoo kale lagu ganaaxay inaysan ciyaarin doonin labada ciyaarood ee koobka Qaramada Afrika ee soo socoda oo kala dhicaya; 2017-ka iyo 2019-ka. Iyadoo lagu amaray xiriirka kubadda cagta Morocco in ay si deg-deg ah u fuliyaan ganaaxyada la dul-dhigay.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Tunisa ayaa isna la lagu amaray inuu joojiyo inuu joojiyo dhammaan eedeymaha uu CAF u soo jeedinayo, kuwaasoo ah inuu sheegay in la khiyaamay xulkooda, iyadoo la ogsoon yahay in dalkaas laga joojiyay inay ciyaaraan koobka Afrika ee dhici doona sannadka 2017-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya