4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 7 , 2015
Mudanayaal Mareykan ah oo dhexda u xirtay xawaaladaha Somalia (Sawirro)


Sabti, Feberaayo 07, 2015 (HOL) — Xildhibaanno iyo wakiillo ka kala tirsan labada aqal ee dalka Mareykanka ayaa dhexda u xirtay sidii loo bad-baadin lahaa adeegga xawaaladaha Soomaaliyeed iyo sidii hey'adaha kala duwan ee dalkan ay uga qeyb qaadan lahaayeen ka hortagga musiibada ka dhalan karta haddii la xiro adeegaas.

Warqad qoraal ah oo ay ku saxiixan yihiin 12 xildhibaanno iyo wakiillo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ah ee haya talada dalka ayaa gaartay  xoghayaha arrimaha dibadda John Kerry,  la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha ammaanka Susan Rice, xoghayaha maaliyadda Jacob Lew,  iyo masuuliyiin ugu sareysa hey'adda hanti dhowrka qaranka, xisaabaadka, iyo canshuuraha,  taas oo uga codsadeen kulan deg-deg ah oo looga hadlayo arrinta xawaaladaha Soomaaliya.

"Dhibaato xoog leh ayaa ka dhalan doonta haddii la xiro adeegyada isgaarsiinta lacagaha  loo diro Soomaaliya," ayaa  lagu yiri qoraalkan.

Madaxdan ayaa qoraalkooda ku sheegay in sanad kasta ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Mareykanka ay diraan 215 million oo Dollar, waxayna sheegeen in lacagtaas ay ku nool u yihiin 73% shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo u isticmaala nolol maalmeed-kooda, maadama aysan jirin ilo kale oo dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin.

“Xaaladda bini'aadanimo ee Soomaaliya waa ka dari doontaa haddii ay istaagto lacagtaas," ayay sii raaciyeen.

Xubnahan ayaa aaminsan in in wasaaradda arrimaha dibaddu ay abuuri karto hab ku meel gaar ah ay xawaaladahuhu ku shaqeeyaan, si aanu adeegaas gebi ahaanba u dhammaan, isla markaana aysan u billaaban musiibo aan la xallin karin ee dhinacyada ammaanka qaranka iyo dhaqaalaha intaba.

Xubnahan oo badankood laga soo doorto gobolka Minnesota oo ay ku nool yihiin tirada ugu badan ee Jaaliyadda waxaa ugu horeeya Keith Ellison oo muddo soo wada halganka xawaaladaha Soomaaliya, waxaana ka mid ah Senator Amy Klobuchar (Minnesota), Senator Al-Franken (Minnesota), Senator Sherrod Brown (Ohio), Rep. Maxine Waters (California), Erik Paulsen (Minnesota), Stephen F. Lynch (Boston, Massachusetts) , Juan Vargas (California), Barbara Lee (California) ,  Adam Smith (Washington), Chellie Pingree ( Maine), iyo Gwen Moore (Wisconsin).

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota