4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 7 , 2015
Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Kenya oo lagu dilay Nairobi (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 07, 2015 (HOL) — Xildhibaanka laga soo doorto Kabete, George Muchai ayaa lagu toogtay bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo lala dilay laba ilaaladiisa ah iyo darawalkiisii.

Mudanahan ayaa lagu dilay waddada Kenyatta ee bartamaha Nairobi, saakay oo Sabti ah, waxaana geerida xildhibaanka iyo saddexda ruux ee la socday u xaqiijiyay warbaahinta, taliyaha booliiska bartamaha Nairobi, Paul Wanjama.

Sidoo kale, gaari kale oo daba-socday gaarigiisa ayaa waxaa saarnaa afar ruux oo qoyskiisa ka tirsan; kuwaasoo ay ku jireen xaaskiisa iyo gabar uu dhalay. sida uu warbaahinta mar kale u sheegay taliyaha booliiska bartamaha Nairobi.

Baabuurka xildhibaanka ayaa la sheegay inuu isku hor-gooyay gaari ay wateen kooxo hub kala duwan watay, iyadoo mid ka mid ah kooxdaas uu rasaas ku furay gaarigii ay Muchai iyo wateen, halkaasoo dhammaantood lagu dilay.

“Markii rasaasta lagu furay gaariga, waanu yara hakannay, laakiinse in yar kaddib ayaan u dhaqaaqnay dhinihii gaariga Muchair lagu rasaaseeyay, waxaanan ku aragnay maydkiisa iyo maydadka saddexii qof oo ilaaladiisii iyo darawakiisii isugu jiray,” ayaa ruux ka mid ah ehelladiisa laga soo xigtay.

Goob-jooge iibinayay joornaallo oo halkaas ku sugnaa ayaa sheegay in ninka toogashada geystay uu wajiga u xirnaayeen, isagoo intaas ku darya in toogashada kaddib ay markiiba goobta ka baxsadeen.

Afartan qof ee la dilay ayaa la sheegay in dhammaantood laga toogtay madaxa iyo laabta. Waxaana maydadka halkaas ka qaaday ciidamada booliiska oo geeyay guri la sheegay in lagu diyaarinayo si loo aaso.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya oo tagay halkii maydadka lagu hayay ayaa ka dalbaday xukuumadda Kenya inay sameyso baritaanno buuxa oo lagu ogaanayo dilkan iyo ciddii ka dambeysay.

Mudanaha laga soo doorto deegaanka Kiambu, Kimani Wamatangi ayaa sheegay in Mr. Muchai dhowr jeer oo loosoo diray fariimmo hanjabad ah, uuna warbixin arrintan la xiriirta u gudbiyay booliiska magaalada Nairobi.

Dhanka kale, xildhibaan Mike Sonko oo laga soo doorto magaalada Nairobi oo isna tagay meesha maydadka la dhigay ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay adkeyso ilaalada xildhibaannada baarlamaanka, maadaama dalka ay ka jirto khatar weyn.

Xildhibaannada kale ee maydadka booqday waxaa ka mid ahaa; Kigwa Njenga, Samuel Gichingi, Esther Gathogo, Juve Njomo iyo Anne Gathechu oo haweenka xildhibaannada ka tirsan.

Ugu dambeyn, xildhibaannadan oo dhan ayaa sheegay in toogashada lagu dilay xildhibaan Muchai, ilaaladiisa iyo darawalkiisa ay ahayd shirqool cad oo lasoo maleegay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya