4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 7 , 2015
Wasiir ka Mid ahaa Xukuumaddii Habeen ka hor la Magacaabaya oo Is-casilay


Sabti, Feberaayo 07, 2015 (HOL) — Wasiir ku-xigeenka wasaaradda difaaca, C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) oo ka mid ahaa xukuumaddii uu habeen ka hor soo magacaabay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa shaaciyay inuu xilka iska casilay, isagoo sheegay inaan lagala tashan xilka loo magacaabay.

C/raxmaan Dheere ayaa sheegay in habka loogu magacaabay xilka wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga aysan waafaqsaneyn hannaanka awood-qaybsiga dowladda Soomaaliya.

“Waxaa go’aansaday inaan xilkii la ii magacaabay 05-tii bishan Feberaayo, waayo la igalama tashan mgacaabidda la ii magacaabay wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya, waana mid khilaafsan hanaanka awood-qaybsiga beelaha ee ay dowladdu ku dhisan tahay,” ayuu yiri C/raxmaan Dheere.

Sidoo kale, mudanaha is-casilay ayaa intaa raaciyay inuu la-tashi la sameeyay siyaasiyiinta iyo xildhibaannada beeshiisa, kaddibna uu iska casilay xilka.

Mas’uulkan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa xusay in madaxda dowladda federaalka Somalia, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Somalia uu si cad ugu sheegay inuu xilkan iska-casilay.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa loo magacaabay laba wasiir ku xigeen, taasoo ah markii u horreysay ee ay wasaaraddan yeelato wasiir ku xigeenno laba ah, inkastoo uu horay C/raxmaan Dheere uu xilka soo qabtay intii ay ku jirtay xukuumaddii Saacid.

Si kastaba ha ahaatee, C/raxmaan dheere ayaa noqonaya wasiirkii koowaad ee iska casila xilka oo ka tirsan xukuumadda uu habeen ka hor magacaabay ra’iisul wasaare Sharma’arke.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya