4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 6 , 2015
Kulan ay ka qayb-galeen Madaxda gobolada oo Maanta lagu qabtay Muqdisho


Jimco, Feberaayo 06, 2015 (HOL) — Kulan qado-sharaf ahaa oo ay ka qayb-galeen ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid iyo hoggaamiyeyaasha ka socda maamullada gobolka dalka qaarkood oo maalmahan Muqdisho ku sugnaa ayaa maanta lagu qabtay Hotel Beach Veiw ee xeebta Liido.

RW Sharma’arke oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay, wuxuuna xusay in tani ay muujinayso ka miro dhalinta dadaallada lagu doonayo in shacabka Soomalaiyeed oo dhan lagu walaaleeyo.

“Waxaa muuqta rajo wanaagsan oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan inay bedelaan dhaqankii waayihii dambe kala fogeeyey dadka Soomaaliyeed oo ahaa in qofba deegaankiisa iska joogo, waxaana maanta hortayda fadhiya madaxweynayaasha Puntland, Jubba iyo Koonfurgalbeed, iyadoo martiqaadkan uu tusaale u yahay in la hadlo Soomaalinimo dhab ah,” ayuu yiri Sharma’arke.

Sidoo kale, ra’iisul waasaraha ayaa yri. “War-murtiyeedkii maanta waa mid laga dheehan karo in si wadajir ah loogu wada-istaago sidii higsiga 2016-ka loo gaarsiin lahaa dalka, taasoo qof walba oo Soomaaliyeed uu rajaynayo in uu arko Soomaaliya oo ay ka dhacdo doorashooyin xor.”

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay inuu xalay xukuumaddiisii oo dhameystiran soo magacaabay, kaddib wadatashi dheer oo uu sameeyay, kana rajaynayo baarlamaanka inay codka kalsoonida ah siiyaan si ay u qabsato shaqooyinka baaxada leh ee horyaalla dowladda Soomaaliya.

“Waxaa dib u dhac ku yimid howlihii dowladda, dalkuna ma sii xamili karo inuu sidaan sii ahaado. Xukuumadda aan soo dhisayna waa mid aan kusoo xulay karti iyo aqoon, haddii aan si wadajir ah u wajahno marxaladda taagan dalkan waxaan gaarsiin karnaa meel ka waangsan meesha uu hadda marayo,” ayuu hadalkiisa ku daray Sharma’arke.

Ugu dambeyn, Imaan Maxamed Yuusuf Islow oo marti-qaadkaan sameeyay ayaa ka cod-saday xildhibaanda baarlamaanka Somalia inay xukuumadda u fududeeyaan howlaha hor-yaalla, madaama duubabka dhaqanku yihiin kuwii soo magacaabay xildhibaannada; ayna mudan tahay inay tixgalin siiyaan codsigooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya