4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 6 , 2015
FAAHFAAHIN: Malleeshiyooyin Beeleed Gudaha Baladweyne ku Dagaallamay


Jimco, Feberaayo 06, 2015 (HOL) — Inta la ogsoon yahay laba qof ayaa ku geeriyootay ku dhawaad siddeed kalena way ku dhawacmeen dagaal labo maleeshiyo beeleed maanta ku dhaxmaray xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beleweyne.

Iska horimaadka dhaxmaray labada maleeshiyo beeleed oo ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee dhalisay, hase ahaatee maalmihii aynu kasoo gudubnay ayaa labada dhinac waxaa u dhaxeysay xurguf colaadeed.

Dagaalka oo si goos goos ah socday ku dhawaad shan saacadood oo xiriir ah ayaa waxaa ugu danbeyntii ku baxay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada oo ku guuleystay in ay xabada joojiyaan.

Xabad joojinta kaddib ayaa kulan dhaxmaray odayaasha dhax-dhaxaadinta waday iyo wax-garadka labada beelleed ee dagaalku dhaxmaray, waxaa leysku afgartay in khilaafka jira lagu dhameeyo hab wadda hadal ku dhisan.

Dadka ku dhawacmay dagaalka oo ay ku jiraan dad rayid ah ayaa xiligan lagu daweynayaa isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Garab ka mid ah dhinacyada dagaallamay ayaa dhawaan uga dhawaaqay xaafadda Howl-wadaag maamul gobolleed la baxay West-land State,lamana garanayo dagaalka maanta dhacay in uu salka ku hayo arrintaa iyada ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya