4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 6 , 2015
UNHCR oo Sheegtay in 1,274-ruux oo Qoxooti ah ay dib ugu laabteen Somalia


Jimco, Feberaayo 06, 2015 (HOL) — Hay'adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa ka dhawaajisay toddobaadkan in 1,274 qof oo ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku noolaa ay si iskood ah ugu laabteen dalkooda Soomaaliya, tan iyo markii la saxiixay heshiiskii saddex geesoodka ahaa dib u celinta qoxootiga Kenya ku nool.

UNHCR ayaa intaas ku dartay in 80% dadka dib ugu laabanaya dalkoodii ay yihiin kuwii Kenya soo gaaray sannadkii 2010-kii. Iyadoo sheegtay in dadkan ay iyagu doorteen inay dalkooda ku laabtaan oo aysan jirin cid ku qasabtay.

"Dhammaan dadka go’aansaday inay dib ugu labtaan dalkooda ay ahayd mid ka mid ay iyagu go’aansadeen. Mana jiraan wax ammaan-xumo ah oo laga soo sheegay deegaannadii ay dadkan ku laabteen,” ayay hay’adda UNHCR ku sheegtay warbixin ay soo saartay.

Qoxootigan dib ugu laabtay Somalia ayay hay’addu sheegay inay muddo ku noolaayeen xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ah kuwa caalamka ugu weyn. Iyadoo sheegtayi n dadkan lagu geeyay Somalia basas looga qaaday Kenya.

“Tan iyo markii uu billowday mashruucan 11 kolonyo ah ayaa Qoxootigaan ka daabulay xeryaha qoxootiga Dhadhaab, kaddib markii ay dalbadeen in dalkooda Somalia dib loogu celiyo, kuwaasoo si nabad ah ku tagay deegaannadii ay u socdeen,” ayay hay’addu ku dartay hadalkeeda.

Sidoo kale, hay’adda UNHCR waxay sheegtay in qoxootigan Soomaaliyeed intooda badan ku laabteen Kismaayo iyo Baydhabo oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya. Iyadoo intaas ku dartay in qoxootigan ay ahaayeen qoysas carruur wata.

UNHCR waxay sheegtay in shaqaalahooda iyo kuwa hay’adaha caalamiga ah ee ka howl-gala xeryaha qoxootiga ay qoxootiga warbixinno ka siiyaan mar walba xaaladda ammaan ee Soomaaliya ka jirta, laakiinse aysan ku khabsin inay dib ugu laabtaan, go’aanka dib u laabashadana uu yahay mid ka imaanaya qoxootiga.

Heshiiskii saddex geesood ahaa ee ay saxiixeen dowladaha Kenya, Somalia iyo hay’adda UNHCR bishii November 2013-kii ayaa dhigayay in qoxootiga aan lagu qasbin inay dib ugu laabtaan Somalia, balse kuwa doonaya inay dib ugu laabtaan dalkooda gacan lagu siiyo sidii ay ku gaari lahaayeen meelaha ay doonayaan inay ku laabtaan.

Ugu dambeyn, hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in qoxootiga dalkooda dib ugu laabanaya ay siiyaan raashin ku filan muddo bil ah, lacag iyo wixii kale ee agab ah oo ay u baahan yihiin si ay noloshooda u maareeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee Kenya ayaa waxaa ku noolaa in ka badan nus malyuun qof oo Soomaali ah tan iyo 1991-kii oo ahayd markii ugu horreysay oo xeryahaas la aasaasay, kaddib markii laga tuuray xukunka dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya