4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 6 , 2015
Naadiga SOMALI-PEN oo soo Ban-dhigay laba Buug oo Qiimo leh (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 06, 2015 (HOL) — Xaflad lagu soo bandhigayay labo bug oo ay kala qoreen; Cabdulllaahi Sheegow Maxamed iyo Sucdi Daahir Diiriye (Qajaf  weyne), isla markaana uu soo qaban-qaabiyay naadiga hal-abuurka iyo qalin-maalka Somaaliyeed ee Somali Pen laanta koonfurta iyo bartamaha Smalia, ayaa waxaa ka qayb-galay qaybaha bulshada, xildhibaanno, marti-sharaf iyo qorayaal Soomaaliyeed.

Labada buug ee lasoo badhigey ayaa lagu kala magacaabaa; U-HIILLI AFKA HOOYO iyo WAAD GUULEYSAN KARTAA, waxaana munaasabadda ka hadlay C/llaahi Sheegow oo ahaa qoraha qorey buugga - U HIIlLI AFKA HOOYO ayaa wuxuu aad ugu dheeraaday marxaladihii uu soo maray buugga, wuxuuna xusay in sababaha ku kallifay inuu qoro buugga uu ugu magic-daray U HIILI AFKA HOOYO ay tahay kaddib markii uu ogaaday in af-Soomaaliga ay kusoo darsamayaan afaf kale.

“Afka hooyo ee Soomaaliga waa Af hodan ah marka loo fiiriyo afafka kale,“ ayuu yiri Sheegow oo intaas ku daray in ummadda Soomaaliyeed oo dhan looga baahan yahay inay ilaalshadaan luuqaddooda, isla markaana ay ugu hiillin lahaayeen.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadashay Sucdi Daahir Diiriye (Qajaf-weyn) oo sheegtay inay buugga ay qortay kasoo turjuntay buug la yiraahdo (YOU CAN WIN). Iyadoo tiro. “Inaan buuggaan tarjumo tan igu kaliftay waa markaan arkay nuxurka uu xambaarsan yahay; taas oo igu dhalisay inaan uga faa’iideeyo dhallinyarada Soomaaliyeed.“

“Buuggaan WAAD GUULEYSAN KARTAA; waxaa lagu tarjumay 26-luuqadood kaddib markii markii bulshada ku nool 26-kaas dal ay ogaadeen wax-tarka iyo macluumadka uu xamarsan yahay buuggan; si bulshooyinkoodu ay uga faa’iideystaan. Sidaa si la mid ah ayaa anigana waxaan go’aansaday inaan dadkeyga uga faa’iideeyo,” ayay hadalkeeda raacisay Sucdi Qajaf-weyn.

Xubnihii kale ee munaasabadda ka hadlay waxaa ka mid ahaa; xildhibaan, Cabdi Xaashi C/llaahi, xildhibaanad Xamsa,  Xasan Axmed Sadiiq, Qoraa  C/raxmaan Abu Xamsa, C/qaadir Xuseen Maax, Cabdi  Abshir Dhoore, Canab Xasan Cimi, C/raxmaan Ablaal  iyo C/naasir Yuusuf Macallin (Ganey) oo ka socday naadiga Hal-Abuurka iyo Qalin-maalka  Soomaaliyeed (Somali Pen). Waxayna dhammaantood sheegeen in bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay qorayaashooda dhiirri-geliyaan oo waxay qoreen iibsadaan.

Ugu dambeyn, xubnahan ayaa sheegay in labadaan buug  la geliyey maskax iyo dhaqaale fara badan; sidoo kalena waxay xuseen in labada buug ay wax-yaabo badan oo dhaxal-gal ah ay xambaarsan yihiin loona baahan yahay in ay bulshadu ka faa’iideysato.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya