4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 6 , 2015
Ururka O.I.C oo Soomaaliya ka fuliyay Mashruuc Lagu Qoday Ceelal Biyoodyo


Jimco, Feberaayo 06, 2015 (HOL) — Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa ka fuliyay Soomaaliya mashruucii labaad oo ay ku qodeen 50-ceel oo kuwa biyaha ah, iyadoo munaasabadda xiritaanka mashruucan uu ka qayb-galay wasiirka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya.

Mashruucan ayaa waxaa maal-geliyay Ololaha Qaranka Saudi Arabia ee gargaarka dadka Soomaaliyeed. Iyadoo mashruucan uu qayb ka yahay 150 ceel oo laga qodayo Soomaaliya, waxaana mashruucan uu noqonayaa midkii labaad oo OIC ay fuliso, laguna dhameystiray muddo lix bilood ah.

Ururka OIC ayaa sheegay in mashruucan uu fuliyay xafiiska ban’aadamnimada OIC ee Soomaaliya, iyadoo munaasabad la xiriira mashruucan oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin dowladda ka socday, kuwo Saudi Arabia ka socday iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Wasiirka biyaha iyo tamarta Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa mahad uga celiyay mashaariicdan boqorka dalka Saudi Arabia, Saalim bin C/casiis Aala-Sucuud, isagoo sheegay in dowladda Sucuudiga ay dadaal dheeraad ah ku bixinayso caawinta shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay sii kordhiyaan dadaalladaas.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu ammaanay hay’addii maal-gelisay iyo tii fulisay mashruucan ee OIC, isagoo ku dhiirri-geliyay inay mashaariicdan oo kale ka fuliyaan deegaannnada Puntlanad iyo Somaliland.

Dhanka kale, agaasimaha xafiiska ururka OIC ee Soomaaliya, Maxamed Iidle Sabriye oo isaguna munaasabadda ka hadlay ayaa ammaanay doorka Sucuudiga ay ka qaadanayaan sidii ay shacabka Soomaaliyeed ay biyo u heli lahaayeen.

“Mashaariicdan waxay qayb ka yihiin caawinta ay ololaha Qaranka Sucuudiga ee caawinta Soomaaliya ay ugu talo-galeen shacabka Soomaaliyeed si ay u helaan biyo ay cabaan,” ayuu yiri Iidle. Isagoo intaas ku daray in dowladda Soomaaliya uu ammaanayo kaalinta ay ka qaadatay fududeynta dhammaan mashaariicda ay fulinayso OIC.

Waxaa kaloo munaasabadda ka hadlay, Sa’ad Abu-Muhanna oo ku hadlayay magaca ololaha Qaranka gargaarka Sucuudi Carabiya oo u mahad-celinayay boqorka Sucuudiga dadaallada dheeraad ah ee uu ku gargaarayo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Mr. Sa'ad ayaa sheegay in ololaha Qaranka Saudi Arabia ee caawinta dadka Soomaaliya ay heshiis mashaariic cusub lagu fulinayo ay la saxiixdeen wasaarada Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya, isagoo xusay in mashaariicdaas uu fulin doono xafiiska OIC ee Soomaaliya.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya