4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 6 , 2015
Dab ka Kacay Suuqa Shidaalka Degmada Jowhar ee G. Sh/Dhexe (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 06, 2015 (HOL) — Suuqa shidaalka ee magaalada Jowhar ayaa waxaa ka kacay maanta dab khasaare geystay hantiyeed geystay, iyadoo lagu guuleystay in la damiyo, kaddib markii shacabka degmada iyo maamulka ay iska kaashadeen daminta dabkaas.

Dabkan oo socday ugu yaraan saddex saacadood oo xiriir ah ayaa ka kacay konteenarro shidaalka lagu iibiyo, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn sababta ka dambeysay in dabkaas uu kaco.

Balse, wararka qaarkood ayaa sheegaya in dabkan uu ka dhashay fuusto mid ka mid ah konteerrada oo qarax sameysay, taasoo sababtay in shidaal badan uu mar ololo.

Gaadiidka dab-damiska ah ayaa ka qaybgalay daminta dabkan, kuwaasoo ay leeyihiin maamulka gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo khasaaraha dabkan uu aad uga yar-yahay dab noocan oo kale ah oo bishii Oktoobar ee 2014-kii ka kacay isla suuqan.

Intii ay socotay daminta dabkan ayaa waxaa goobta lagu arkayay qaar ka mid ah mas’uuli-yiinta gobolka iyo degmada, sida Maxamed Cali Muudey oo ah guddoomiyaha degmada Jowhar iyo Cali Guudlaawe oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, daminta dabkaan ayaa waxaa dadaal weyn ku bixiyay dadka ku nool degmada Jowhar, iyadoo Cali Guud-laawe uu sheegay in shacabka ay ka digtoonaadaan dabka noocan oo kale oo ka kaca suuqyada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya