4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 6 , 2015
Kulan lagu Heshiisiinayo laba beel oo ka Furmay duleedka Taleex (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 06, 2015 (HOL) — Shir laba beelood lagu heshiisiinayo ayaa ka furmay degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool, dhinaca barina kaga beegan qiyaastii 180-km magaalada Laascaanood.

Kulankan oo qaban-qaabadiisu socotay mudo saddex bilood ka badan ayaa lagu qabtay geed berde ah oo magaalada Taleex 5-km dhinaca waqooyiga kaga beegan oo lagu magcaabo Gudur.

Is-araga labada beelood oo aad u adkaa ayaa waxaa si taxadar leh ciidmmo la geeyay dhul balaaran oo ku xeeran oo ah halka uu shirku ka socdo iyadoo ay muuqanayeen gaadiidka gaashaaman oo saran buuraha.

Culumada degaanka iyo kuwo socoto ku yimid ayaa wacdi aan kala joogsi lahayn halkaas ka waday illaa xilli gelin dambe ah oo hadalo kooban ay ka soo jeediyeen gudiga howshan muddada dheer soo waday.

Guddoomiyaha guddiga nabadeynta, Khadar Cali Jaamac oo goobta hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay xiliyadii kala duwanaa ee ay soo mareen, isagoo xusay inay doonayeen oo keliya in Taleex nabadi ka dhalato.

Sidoo kale, Khadar ayaa u mahad-celiyay xubnihii dhaqaalaha la garab-joogay guddiga oo uu ka xusay, Maxamuud Xaaji Aadan “Xadeed” oo ah guddoomiye ku xigeenka shirkada isgaarsiinta Telesom iyo madax shirkadda Ilays, Hiirad oo iyagu goobta joogay.

“Waxaan idin ka baryaynaa nabad, mid kalena shirku waa inoo furan yahay oo haddii aad diidaan awood ayaan isticmaali karaa,” ayuu yiri Khadar oo la hadlayay labada beelood ee xiisada colaadeed ay u dhexeysay sanooyinka badan.

Waxaa kaloo halkaas lagu dhaariyay guddiga dhexdhexaadinta; iyadoo ugu dambeyn la billaabay wadahadal labada beelood dhex-mara kaasoo billow u dib u heshiisiinta, iyagoo la filayo inuu kulanku socdo maalmaha soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, wadahadalladan oo ay saddex guddi oo hore ku guul-daraysteen ayaa haatan leh muuqaal wanaagsan; iyadoo dad ka badan 10-qof oo colaadda ku dhintay la kala tirsanayo oo inta badan, oo intooda badan ahaa kuwo dhintay xilligii ciidammo ka tirsan Puntland oo l asocday C/samad Cali Shiri oo ahaa madaxweynihii hore ee Puntland ay gaareen Taleex.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool