4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 6 , 2015
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalbaday in la meel-mariyo Xukuumada Cusub


Jimco, Feberaayo 06, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday inay meel-mariyaan xukuumadda cusub ee uu soo dhameystiray ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, taasoo ka kooban 66-xubnood.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in baarlamaanka Somalia looga baahan yahay inay muujiyaan tixgelin iyo waddaninimo, isagoo ugu baaqay inay wax walba oo keeni kara is-hortaag lagu sameeyo xukuumadda cusub ay ka fogaadaan.

“Baarlamaanka Somalia waxaan ugu baaqayaa inay ansixiyaan xukuumadda Somalia ee la soo dhameystiray, lana muujiyo tixgelin si howlaha dowladda u dhiman loo dhameystiro,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in waqti badan uu dowladda Somalia ka lumay, looma baahna in is-jiid-jiid lagu lumiyo waqti kale, balse loo baahan yahay inaan la lumen waqti kale oo dheeraad ah.

“Ma doonayno in xilli kale oo dheeraad ah la lumiyo, waayo hadda ayuu naga lumay waqti badan, waana in laga fogaado wax walba oo keeni kara dib u dhac kale oo ku yimaada howlaha dowladda,” ayuu mar kale yiri Xasan.

Ugu dabmeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay ka dhabeyso ballanqaadyadii ay horay u sameynay oo ay ka mid tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho marka la gaarso sannadka 2016-ka.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid ayaa ku dhawaaqay xalay xukuumad dhameystiran, kaddib markii uu dhawaan 10-maalmood oo dheeraad ah weydiistay baarlamaanka si uu xukuumaddiisa u soo dhameystiro.

Baarlamaanka Somalia ayaan la ogeyn go’aanka uu ka qaadan karo marka la horgeeyo xukuumadda cusub, iyadoo la filayo in toddobaadka soo socda la hor-geeyo xukuumadda baarlamaanka si ay codka kalsoonida ugu qadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya