4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 6 , 2015
Xulka K/cagta Ghana oo Xalay u soo baxay Finalka Koobka Afrika (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 06, 2015 (HOL) — Xulka kubadda cagta Ghana oo ka mid ah xulalkii ka qaybgalayay koobka Qarammada Afrika ee ka socda dalka Equatorial Guinea ayaa u soo baxay ciyaarta kama dambeysta ah ee koobka Qaramada Afrika, kaddib markii ay 3-0 ku suul-daareen xulka kubadda cagta dalka marti-gelinaya koobka ee Equatorial Guinea.

Rabashado aya ahareeyay ciyaartii xalay dhexmartay labada xul, kuwaasoo ay kiciyeen taageerayaasha xulka Equatorial Guinea, waxaana ciyaarta 30-daqiiqo la geliyay hakad, markii ay rabshaduhu xoogeysteen.

Ciyaartoyda xulka Ghana ayaa qaybtii hore ee ciyaarta ku hoggaaminayay 2-0, waxaana ay u muuqdeen kuwo dadaal badan muujinaya, balse xulka kale ayaa iyaguna isku dayeen in ay goolasha iska soo gudaan inkastoo ay u suuroobi wayday.

Daqiiqadii 41-aad ayaa waxaa xulka Ghana goolkii ugu horreeyay oo rigoore ah u dhaliyay laacibkood, Jordan Ayew, kaasoo ku yimid khalad uu galay gool-hayaha xulka Equatorial Guinea oo lagu magacaabo Appiah.

Goolkii labaad waxaa xulka dalka Ghana u saxiixay laacibkooda, Wakaso Mubarak oo ciyaarta ka dhigay 2-0. Iyadoo goolkii saddexaad oo la dhaliyay daqiiqaddii 75-aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta u saxiixay xulka Ghana ciyaaryahankooda André Ayew, iyadoo ciyaartu ay noqotay 3-0.

Taageerayaasha Equatorial Guinea ayaa billaabay inay caagag iyo gasacdo ku tuuraan ciyaartoyda xulka Ghana, waxaana garoonka oo dhan uu noqday mid ay ka buuxsameen caagadaha ay tuurayeen taageerayaasha waddanka marti-gelinayay ciyaaraha Qaramada Afrika ee sannadkan.

Daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta ayaa la haliyay, markii taageerayaasha Ghana ay naftooda u baqeen ayna soo buuxiyeen garoonka, iyadoo la arkayay dad ka mid ah taageerayaasha Ghana oo daqarro ay gaareen.

Ciidamada booliiska dalka Equatorial Guinea oo wata diyaarada qummaatiga u kaca ayaa yimid garoonka, kuwaasoo taageerayaashii rabshadaha waday u isticmaalay suntan dadka ka ilmeysiisa, si ay u joojiyaan rabshadaha.

Xulka dalka marti-gelinayay ciyaarta ayaa laga baqdin qabaa inay ganaax kala kulmaan rabshadihii ay taageerayaashoodu xalay sameeyeen, taasoo inta badan marka ay dhacdo la ganaaxo xulka la taageerayashiisu ay ka sameeyeen garoommada rabashado dhibaatooyin sababa.

Si kastaba ha ahaatee, xulka Ghana ayaa wuxuu ku dhacayaa xulka Ivory Coast oo iyaguna habeen hore u soo baxay finalka kaddib markii ay 3-1 uga badiyeen xulkii DR Congo oo ay ciyaar wada-yeesheen.

Ciyaarta finalka ah ayaa dhacaysa maalinta Axada ah ee nagu soo fool leh, iyadoo labadan xul ay u muuqdaan kuwo adag oo aan hadda laga bixin karin saadaal cidda koobka 2015-ka ee Qarammada Afrika ku guuleysan doonta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya