4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 6 , 2015
Dhowr qof oo ku dhaawacmay weerar bambaano oo xalay ka dhacay Mandera


Jimco, Feberaayo 06, 2015 (HOL) — Shan qof, ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday Bambaano Gacanta laga tuuray oo xalay fiidkii, lala eegtay dukaan cuntada lagu eebiyo oo ku yaallo magaalada Mandheera.

Ciidamo ka tirsan Bilays Mandheera oo gaaray goobta lagu weeraray Bamkaas, ayaa warbaahinta u sheegay; in dadkii dhaawacmay loola cararay Isbitaalka guud ee magaalada Mandheera si loo daaweeyo.

Job Boronjo oo ah Taliyaha Ciidamada Bilayska Gobolka, ayaa sheegay in ay xireen aagii uu weerarkaas ka dhacay, isla markaasna ay heleen xog ku saabsan in dadkii weerarkaas fuliyay ay wali ku sugan yihiin gudaha deegaankaas. Laakin Taliyuhu ma uusan sheegin ilaa iyo hada iney jiraan cid loo soo qabtay falkaas.

Weerarkii xalay ka dhacay magaalada Mandheera, ayaa ku soo beegmaayo iyadoo dhawaan warbixin ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka Kenya ay ku sheegtay in xubno ka tirsan Al Shabaab ay qorsheynayaan iney weeraro ka fuliyaan magaalada Mandheera, isla markaasna heegan sare la galiyay Ciidamada ammaanka Kenya si ay oga hortagaan.

Bilayska Kenya, ayaa dhanka kale waxey sheegeen iney raadinayaan, tuhmanayaal la sheegay iney dhanka Soomaaliya oga yimadeen sidii ay dhibaatooyin oga geysan lahaayeen Kenya.

Weerarkaan Bambaano oo ah kii ugu horeeyay sanadkaan ee ka dhaco gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xili Macalimiintii wax ka dhigi jiray gobalkaas, ay diideen iney dib ugu noqdaan shaqadoodi sababo la xiriiro dhanka ammaanka.

Sanadkii hore ayey aheyd markii  gobalka Waqooyi Bari Kenya; ay ka dhacay weeraro qasaaro badan geystay oo ay ka mid ahaa bishii November weerar lagu dilay 28, qof oo saarnaa Baska ka baxay Mandheera kuna socday Nairob,i iyo bishii ku xigtay ee December weerar kale oo lagu laayay 36, oo ka shaqeynaayay goob dhagaxaanta laga qodo oo ku taallo duleedka Magaalada Mandheera.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya