4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 6 , 2015
AMISOM oo Tababar u Furtay Ciidammo Cusub oo Booliiska Somalia ka Tirsan


Jimco, Feberaayo 06, 2015 (HOL) — Ciidamada AMISOM qaybta booliiska ee Somalia ka howlgala ayaa tababar u furay ciidammo cusub oo ka tirsan booliiska Soomaaliya iyo qaar ka mid ah kuwii hore.

Tababarkan oo socon doona muddo 10-maalmood ah ayaa furmay Arbacadii lasoo dhaafay sida ay shaacisay AMISOM, iyadoo tirada ciidamada loo furay tababarka lagu sheegay 50 askari oo isugu jira ciidammo cusub iyo kuwii hore.

“Furitaanka tababarkan iyo qorista ciidamada waxaa goobjoog ka ahaa Col. C/rashiid Aadan oo ah taliyaha dugsiga tababarka booliiska Soomaaliya ee Jen. Kaahiye, waxaa kaloo goobta ku sugnaa saraakiil kale oo ka kala socday booliiska Soomaaliya iyo kuwa booliiska Midowga Afrika,” ayay tiri AMISOM.

Qorista ciidamada cusub ee booliiska Soomaaliya oo isugu jira rag iyo dumar ayaa waxay qayb ka tahay sida ay saraakiisha booliiska AMISOM sheegeen qorshaha dib loogu dhisayo ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, furitaanka tababarka iyo qorista ciidamada cusub ee booliiska Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha booliiska AMISOM oo sheegay inay rajeynayaan in tababarkan uu ku dhammaado guul.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada booliiska AMISOM ay tababarro siiyaan ciidamada booliiska Soomaaliya, iyagoo sannadkii hore tiro ka mi ah booliiska Soomaaliya siiyay tababarro kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ah ciidammo booliis ah oo gacan ka siinaya hay’adaha amaanka ee Soomaaliya ka caawiya sugidda amniga magaalooyin ay ku jirto Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya