
Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Madaxa howlgalka hay’adda IOM ee Waddanka Koonfur Afrika, Richard Ots ayaa ka warbixiyay xaaladda Soomaalida ku nool dalkaas iyo weerarrada laga beegsado, isagoo xusay inay hoos u dhac uu ku yimid rabshadihii dalkaas ka taagnaa maalmihii u dambeeyay, balse toddobaadyadii lasoo dhaafay Soomaalida iyo ajnabiga kale ee dalkaas ku nool lala beegsaday weerarro iyo boob loo geystay goobahooda ganacsiga.
Richard Ots ayaa intaas ku daray in xaaladdu ay hadda u muuqato mid sidii hore ay si aad u wanaagsan uga soo raynayso; iyadoo kooxo burcad ah iyo shacab ay dhawaan u geysteen dukaamo ku yaalla deegaanka Soweto.
“Waxaan u maleynayaaa in xaaladdu ay kasoo raynayso, mana jirin weeraro dheeraad ah oo dhacay maalmahan, taasoo aad uga duwan labadii todobaad ee lasoo dhaafay oo ay weerarro dhaceen. Waxaan deggenaashaha muuqda uu ku yimid dadaal badan oo dowladda Koonfur Afrika ay sameysay sidii loo qaboojin lahaa xaaladda,” ayuu yiri Richard.
Sarkaalka oo sii hadlayay ayaa intaa ku daray. “Waxaan doonayaa inaan hal caddeeyo, taasoo ah weerarradan inaan la dhihi karin waa kuwo nacayb loo qabto ajaanibta ku yimid, meelaha qaarkood si guud waa la dhihi karaa waa kuwa ka dhashay nacaybka loo qabo joogitaanka muhaajiriinta; laakiin inta badan waxa dhacaya waxaa lagu tilmaami karaa dambiyo caadi ah iyo kuwa ay sameynayaan dad ka faa’iideysanaya xaaladaha kacsan si ay u boobaan dukaamada ay leeyihiin ajaanibta Koonfur Afrika ku nool.”
Mar la weydiiyay in wasiirro dowladda Koonfur Afrika ay warbaahinta dalka Koonfur Afrika ka jeediyeen hadallo lagu kicinayo rabshadaha ayaa wuxuu su’aasha kaga jawaabay.
“Waxaa jiray hadallo nasiib darro ah oo ay jeediyeen dad sare oo dowladda South Afrika ka tirsan, kuwaasoo aan xaaladda jirta caawinaynin, balse uma maleynayo inay jirto siyaasad dowli ah oo kasoo horjeeda muhaajiriinta ku nool dalkaas, sidoo kale waxaa jiray hadallo shaacabka lagu dajinayo oo ay saraakiisha dowladdu jeediyaan. Waxaase jira mas’uuliyiin sare oo jeediyay hadallo aanan habooneyn.”
Wuxuu kaloo Mr. Ots ka hadlayay sababaha uu u maleynayo in rabshadaha ay kiciyeen iyo sida xal looga gaari karo; isagoo yiri. “Labo arrin ayaa sabab u ah weerarrada, middood waa shaqo la’aanta jirta, tan kalena waa dad ka faa’iideysanaya qalalaasaha jirta.”
Ugu dambeyn, madaxa howlgallada IOM ee waddanka Koonfur Afrika ayaa kusoo af-jaray hadalkiisa. “Waxaan is leeyahay xalku wuxuu ku imaan karaa inay la heshiisiiyo dadka ku nool dalkaas ee soo-galootiga ah iyo muwaadiniinta dalkaas kuwada nool, sidoo kale in la ifiyo kaalinta wanaagsan ee ajaanibtu ay ka qaadanayaan horumarinta dhaqaalaha dalka, isla markaana meesha laga saaro fikirka qaldan ee laga qabo dadka soo-galootiga ah.”
Rabshadihii ka dhacay deegaanka Soweto ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku yimid kaddib markii wiil 14-jir ah oo Koonfur Afrikaan ah lagu toogtay halka ay ku yaallaan dukaamada ay ajaanibtu ku leeyihiin deegaankaas xarunta dalkaas ku dhow.
Si kastaba ha ahaatee, qalalaasihii toddobaadyadii lasoo dhaafay Koonfur Afrika ka dhacay ayaa sababay inay barakacaan boqollaal qof oo Soomaali iyo ajaanib kale isugu jira, kaddib markii dadweyne gadoodsan ay boobeen dukaammo ganacsi oo ay lahaayeen muhaajiriinta Koonfur Afrika ku nool.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya