4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 28, 2015
Gaari Miineysan oo ku Qarxay Waddada Soddonka ee Magaalada Muqdisho


Sabti, Feberaayo 28, 2015 (HOL) — Inta la ogyahay laba qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay waddada soddonka ee magaalada magaalada, gaar ahaan xaafadda NBC ee degmada Hodan.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa kuwa raaxada ayna ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ergayeen ka hor inta uusan qarxin, waxaana wararku ay intaas ku darayaan in gaariga uu si lama filaan ah u qarxay.

“Baabuurka qarxay waxaa saarnaa laba qof oo ku dhintay qaraxa, waxaana intii uusan gaari qarxin ay labada ruux iyo ciidammo kuwa dowladda ah oo eryanayay ay is-dhaafsanayeen rasaas,” ayuu yiri goobjooge xaafaddaas ku sugan.

SIdoo kale, goobjoogayaal kale ayaa sheegay in gaariga qarxay ay khasaare kasoo gaartay ciidammo milateri ah oo ku sugnaa halka uu ku qarxay, balse lama oga khasaaraha nafeed ee uu geystay qaraxa inta uu le’eg yahay.

Gaariga qarxay ayaa loo maleynayaa inay saarnaayeen walxaha qarxa, waxayna nqonaysaa markii ugu horreysay oo uu qarxo gaari ay ciidamada dowladda Somalia ku raad-joogeen, isla markaana ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa.

Dhanka kale, dadka xaafaddaas ku nool ayaa sheegaya in gaariga inti uusan qarxin ka hor uu istaagay, balse uu daqiiqado kaddib qarxay, iyadoo goobta ay ka billaabatay rasaas aad u badan oo ay ridayaan ciidamadii gaarigaas eryanayay.

Xaalada xaafadda NBC uu qaraxa ka dhacay ayaa kacsan; iyadoo ay gaareen tiro badan oo ciidammada dowladda ka tirsan, kuwaasoo isku gaadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Al-shabaab ayaa horay qaraxyo uga geystay meelo kala duwan oo magaalada Muqdisho ka tirsan, iyadoo saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ay sheegeen in gaariga qarxay uu ahaa mid ay wateen laba ruux oo ka tirsan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya