4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 28, 2015
Wasiirka Waxbarashada PL oo kusoo laabtay Garoowe kana Hadlay Safarkiisii


Sabti, Feberaayo 28, 2015 (HOL) — Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Puntland Cali Xaji Warsame iyo masuuliyiin la socday ayaa maanta dib ugu soo laabtay Garoowe kaddib safar maalmo qaatay oo ay ku tageen dalka Kuwait.

Wasiirka ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay Kuwayt uu guul ku soo dhamaaday ,isaga oo tilmaamay in ay ka soo qayb-galeen kulamo lagu soo bandhigayay dhaqanka Soomaalida, isla markaana lagu qaybtay dalkaas.

“Safarka wuxuu ahaa martiqaad aan ka helnay wasaarada waxbarashada Kuwayt, waxaana aan ka qayb-galnay asbuucii dhaqanka Somaaliyeed “ ayuu yiri wasiirka oo la hadlay war-baahinta ka dib markii u soo gaaray Garowe.

“Fursad waxaanu u helnay inaan la kulanno wasiirka waxbarashada ee dalkas Badar Ciise iyo guddoomiyaha dusiyada sare ee dalka Kuwayt annagoo arimo muhiim ah kala hadalnay “  ayuu mar kale yiri wasiirka.

Cali Xaaji ayaa tilmaamay in madaxdi ka soo qayb-galay kulanka dhaqanka Soomaaliyeed ay garowsadeen sida wali Soomaaliya qaybo kamid ah ay u xasiloontahay, wuxuuna xusay in dowladda Kuweyt ay diyaar u tahay caawinta dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in Puntland iyo hoggaanka iskuullada farsamada ee Kuwayt ay kala saxiixdeen heshiis wada shaqayn ah, isla markaana ay dowladda xarumo farsamada gacanta ah ka furi doonto qaar mid ah magaaloyinka Puntland.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]