4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 28, 2015
XIRSI CALI: Walaac ayaan ka qabaa sii socodka Wadahadallada SL & Somalia


Sabti, Feberaayo 28, 2015 (HOL) — Xubnihii Somaliland uga qaybgallay wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa xalay gaadhay Turkiga halkaasoo la filayo in Barri uu ka furmo wareeggii sideedaad ee iskugu yimaadaan labadda dhinac.

Weftiga Somaliland ayaa shalay ka dhoofay magaaladda Hargeysa, waxaanay sheegeen in wada hadalada labadda dhinac uu dalka Turkiga ka furmi doono maalinta Axadda, kaas oo socon doonna laba cisho.

“Aniga iyo weftiga balaadhan ee ila socdaa waxaanu u baxaynaa dalka Turkiga oo Shirkii Somaliland iyo Xamar ka furmayo, soconayana Axadda iyo Isniinta, waxaana halkaas aanu kula shiraynaa Dawladda Muqdisho, waxaanan filaynaa inaanu Guulo ka keenno” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland  Maxamed Biixi Yoonis oo  warbaahinta la hadlayey inta aanu dalka ka bixin.

Haseyeeshee, wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa weftigaasi  ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay sii socodka wada hadaladaasi maadaama oo heshiis-yaddii hore ee labadda dhinac wada gaadhay aan la hirgalin.

Wasiirku wuxuu xusay in wareegan wada hadalka labadda dhinac noqonay kiii sideedaad ee ay isku yimaadaan, isla markaana dhinaca Somalia aanay wali ka dhaqangalin wixii ay ku heshiiyeen.

“Waa kulankii sideedaad ee aynu isasoo hor fadhiisano dawlada Somaliland iyo Somalia, Inkastoo aan weli lagu degin halkii loo baahnaa oo ah in rabitaanka bulshada Somaliland la ixtiraamo lana sameeyo qorshe lagu kala gurto; dhamaantood waxaa kasoo baxayay heshiis la kala saxeexday oo aan fulin sida Hawada, in ay aqbaleen xasuuqii ku dhacay nulshada reer Somalialnd, inaan arimaha horumarka la carqaldayn la siyaasadayn iyo in la hawl-geliyo khubaro farsamo yaqaaniin ku ah wada hadalada”ayuu yidhi wasiir Xirsi oo ka hadlayey wada haddaladaasi socda.

“Waxaa walaac badan iyo werwer iiga muuqdaan sii socodka wadahadalada hadii aan la tixgelin wixii lagu heshiiyay, xaqiiqaduna waxay tahay kulankii ugu danbeeyey ee Djibouti ay ku kulmeen labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia waxay ku kala saxeexdeen qodob muhiim ah oo odhanyey in arimaha masiiriga ah hoos loogu dego kaasoo aanu rajaynayno in qolada Somalia ay garwaaqsandoonaan madaxbaanida Somaliland iyo sidoo kale inay ixtiraamaan wixii lagu heshiiyay.”ayuu hadalkiisa raaciyey

Si kastaba ha ahaatee, wadahadaladan ayaa noqdo kuwo daba dheeraaday, isla markaana qodobaddii lagu kala aragti duwanaa aan marna la soo hadal qaadin. Iyadoo kulankan Berri furmi doonnaa noqonaya kii 8aad ee labadda dhinac isku soo horfadhiistaan, shan kullan ka dhacay dalka Turkiga halka saddex kullanna ka dhacay dalalka Ingiriiska, Imaaraadka iyo Jabuuti.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland