4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 28, 2015
Ahlusunna Waljamaaca ee eedeyn dusha kaga Tuurtay Dowladda Soomaaliya


Sabti, Feberaayo 28, 2015 (HOL) — Afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh C/llaahi Sh. C/raxmaan oo shir jaraa’id ku qabtay gobolka Gal-gaduud ayaa ka hadlay colaadaha ka taagan qaybo ka mid ah gobolkaas ee u dhexeeya ciidamada dowlada Somalia iyo xoogaga Ahlusunna.

Sh. C/llaahi ayaa dowladda Somalia ku eedeeyay in xamaasadda ay u qabto la-dagaalanka Ahlusunna aysan u qabin Al-shabaab, isla markaana dagaalkii Al-shabaab dowladdu kula jirtay u soo weecisay dhanka ururka Ahlusunna.

“Xamaasadda qaar ka mid ah madaxda dowladda Soomaaliya ay u hayaan Ahlusunna uma hayso Al-shabaab. Madaxda dowladda haddii ay u arkaan Al-shabaab walaalo fududaaday, innagu waxaan u aragnaa inay yihiin cadow,” ayuu afhayeenka Ahlusunna ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in dowladda Somalia ay qadarin weyn siiso shaqsiyaadka kasoo goosta Al-shabaab markii ay dhankooda kusoo biiraan, taasoo muujinaysa buu yiri in dowladda ay u kala soocan yihiin Ahlusunna iyo Al-shabaab.

Dagaallada ka socda degmada Guriceel ayaa waxay u dhexeeya ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo Ahlusunna, iyadoo dagaalladaas ay ku naf-waayeen tiro ka mid ah dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray afhayeenka Ahlusunna ayaa imaanaya iyadoo weli degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhexeysa dhinacyada ku dagaalamaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya