4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 28, 2015
AMISOM oo loogu baaqay inay farageliso Colaada ka tagan Degmad Guri-ceel

Sabti, Feberaayo 28, 2015 (HOL) — War laga soo saaray shirweynaha dib-u-hishiisiinta gobollada dhexe ee ka soconaya degmada Dhuusa-mareeb, ayaa nasiib darro ku tilmaamay sii socoshada dagaallada iyo colaada ka taagan degmada Guri-ceel oo ay isku hayaan ciidammada maamulka dowladda ee gobolka Galguduud iyo dagaalyahanno ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.

Ergada ka qeyb-qaadaneysa shirka ayaa markii ugu horeysay war-murtiyeed ay soo saareen waxaa ay ugu baaqeen saraakiisha AMISOM in ay fara-galiyaan ama ku baaxan wax ka qabashada colaada degmada, oo haddii ay sii socto caqabad ku noqon karta guud ahaanba nabad-galyada ka jirta gobollada dhexe.

Xubnaha ka qeyb-gallaya shirka ayaa ku dhaliilay dowladda Somalia habka u wajahday wax ka qabashada colaada degmada Guri-ceel, iyaga oo ku eedeeyay in aysan qaadan dowladda doorkii looga baahnaa si loo joojiyo dagaallada.

Maamulka degmada Guri-ceel waxaa xiligan gacanta ku haya xoogagga Ahlu Sunna oo dhowr jeer kula dagaallamay ciidammada dowladda oo wali isku urursanaya dulleedka degmada.

Dhinaca kale shirka dib-u-hishiisiinta ka soconaya degmada Dhuusa-mareeb oo lagu wadday in la soo gabagabeeyo maalmaha inagusoo fool leh, ayaa lagu kordhiyay mudo 20 cisho ah si loo sii anba-qaado wadda hadallada.

C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya