4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 28, 2015
Midowga Yurub oo Shaaciyay inuu Somalia ka Taageerayo soo celinta Amniga

Sabti, Feberaayo 28, 2015 (HOL) — Ururuka Midowga Yurub ayaa shaaciyay Jimcihii in uu sii wadayo taageerada uu ciidamada Somalia siiyo si loo soo af-jaro xasillooni-darrada ka jirta Geeska Afrika.

Ergayga Midowga Yurub ee arrimaha Somalia, Michele Cervone d'Urso ayaa sheegay inay tababareen in ka badan 4,000 oo ka mid ah ciidamada Somalia tan iyo sannadkii 2010-kii, si ay wax uga bedelaan amni-darrada Somalia ka jirta.

“Ururka Midowga Yurub wuxuu go’aansaday inuu sannadkan xoogga saaro wax ka qaba-shada amniga Somalia, waana qorshe lagu xoojinayo tababarka ciidamada qalabka sida ee Somalia,” ayuu ergaygu u sheegay Anadolu.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Ujeedada howlgalka EU-da ee Somalia waa in kor loo qaado awoodda waxqabad ee ciidamada Soomaaliya, si ay karti ugu yeeshaan inay xaaladda wax ka bedelaan.”

“Hawlgalkii tababarka ciidamada Somalia ee Midowga Yurub waa mid loogu talo-galay inuu sannad walba tababaro 1,400 oo askari,” ayuu yiri ergaygu EU-du intaas ku daray. "Ciidamada xoogga Somalia waxay haatan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab u kaashanaayaan kuwa Midowga Afirka ka socda.”

Bishii Abriil ee sannadkii 2010-kii ayaa la billaabay howlgalka tababarka lagu siinayo ciidamada Somalia ee Midowga Yurub, iyadoo ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya ka jirtay. Tan iyo markii la bilaabay howlgalkana waxaa la tababaray 4,000 oo askari, iyadoo dhaqaale dhan qiyaastii 10 milyan oo doolar uu ku kacay tababarkaas, waxaana ku yaboohay lacagtas 11 dalalka oo Yurub ah.

Al-Shabaab ayaa xilliyadii u dambeeyay waday kacdoonno ka dhan ah dowladda Somalia, iyadoo dhawaan fuliyay qaraxyo ay Hotel Central ka geysteen, kuwaasoo ay ku dileen kuna dhaawaceen mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan.

D'Urso ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo si tartiib-tartiib ah dib ugu soo nqoonayso amnigeeda, isagoo yiri. “Somalia waxay billowday inay dib uga soo kabato colaadihii ka jiray 25-kii sano ee la soo dhaafay. Waxaadna arki kartaa inuu jiro horumar weyn oo la sameeyay sannadihii u dambeeyay.”

Ugu dambeyn, taliyaha howlgalka Midowga Afrika ee Somalia, Jen. Massimo Mingiardi ayaa u sheegay wakaaladda wararka Turkiga in tababarrada ay EU-du siinayso ciidamada Somalia uu socon doono illaa bisha Decermber sannadka 201-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya