4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 27, 2015
Xildhibaanno kala hadlay RW Somalia dhisme Maamul iyo dagaallada Guriceel

Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa kala hadlay maamul u sameynta gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Banaadir iyo dagaallada ka socda Guriceel.

Kulanka kaddib ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay wixii RW Somalia kala hadleen, xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) oo ka mid ah xildhibaannadii kulanka ka qayb-galay.

“Ra’iisul wasaaraha Somalia waxaan kala hadalnay laba arrimood oo kala ah; maamul u sameynta gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Banaadir, tan kale ee aan ka hadal-nayna waxay ahayd colaadda ka socota Guri-ceel,” ayuu yiri xildhibaan Goodir.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa xusay in ra’iisul wasaaraha uu muujiyay sida uu uga xun yahay colaadaha ka socda Guriceel, waxaana ku boorrinnay in xukuumadda Somalia ay qaaddo tallaabo ay wax uga qabanayso dagaalladaas.

DHAGEYSO: Codka Xildhibaan Goodir oo ka Warbixinaya Kulankoodii RW

“Waxaan ra’iisul wasaaraha Somalia ku boorinay inuu isagu tago degmadaas ama uu u diro xildhibaanno aan ahayn dhinacyada ku dagaallamaya degmadaas, si loo xalliyo colaadda taagan, wuuna naga ogolaaday,” ayuu xildhibaannku hadalkiisa ku daray.

Mar la weydiiyay su'aal ahayd in mudanayaasha kasoo jeeda gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan iyo Banaadir ay u dhammaayeen kulankii ay la yeesheen RW Soomaaliya ayuu ku jawaabay, inaysan xildhibaannada gobolladan intooda badan dalka joojin, balse xubnaha ka qaybgalay kulanka ay ahaayeen soddomeeyo xildhibaan, ayna ku dhiiri-geliyeen RW-ha in gobolladaas hal maamul loo sameeyo.

“RW waxaan u sheegnay inaan isku raacsan-nahay intooda badan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhiso maamulkaas, inkastoo ay jiraan dad cabasho ka qaba maamulkan, waxaase uga qancin doonnaa shirar todobaadyada soo socda aan ku yeelan doono Muqdisho,” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Goodir.

Si kasta ha ahaatee, maamul u sameynta gobollada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan ayaa ahaa xilliyadii ugu dambeeyay kuwo si aad ah looga hadlayay iyadoo fikrado kala duwan laga bixinayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya