4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 27, 2015
Dagaal khasaare dhaliyay oo ka socda deegaan ku yaalla duleedka Buuhoodle

Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Colaad ayaa dib uga billaabatay mar kale deegaanka Kalshaale oo ku yaalla galbeedka degmada Buuhoodle, kaddib markii uu ka qarxay dagaal u dhexeeya qoysas reer guuraa ah.

Dagaalkan ayaa inta la og-yahay waxaa ku dhintay qof, iyadoo ay afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo ay jiraan warar khasaaraha intaas ka badinaya.

Khadar Cawl oo ah suxufi ku sugan Buuhoodle ayaa HOL u sheegay Hiiraan u sheegay in laba dhaawac ah lasoo gaarsiiyay magaalada Buuhoodle oo ka mid ah deegaannada uu ka taliyo maamulka Khaatumo.

"Dagaalku wuxuu ka dhashay dhul daaqsimeed muddo dheer aan la daaqin oo haatan la isugu soo dhawaaday," ayuu yiri Khadar oo isagoo Buuhoodle ku sugan la hadlayay HOL.

Gurmad labada dhinaca ah ayaa gaaraya deegaanka uu dagaalku ka socdo oo lagu magacaabo Dhuxunku-reeble oo in ka badan afartameeyo kiilo-miri Galbeed kaga aaddan degmada Buuhoodle.

Sidoo kale, qaar ka mid ah saraakiisha Buuhoodle ayaa qaba in ciidamada Somaliland ay yihiin waxa dagaalkaan wada; iyagoo soo xiganaya dagaal toddobaadkii hore ka dhacay tuulada Horu-fadhi, mana jiraan warar dhexdhexaad ah oo arrintaas xaqiijinaya.

Deegaanka colaaddu dib uga qaraxday oo Kalshaale loo yaqaan ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii ahaa deegaan ay ku naf-waayeen boqolaal qof oo ka kala tirsanaa ciidamada Somaliland iyo ciidan beeleed reer Buuhoodle ah.

Ma jirto cid illaa hadda isku howshay joojinta dagaalkan, iyadoo dhawaanna ay jireen waxgarad labada dhinaca ah ay olole ugu jireen sidii loo baabi’in lahaa colaada sanadaha ka taagnayd deegaannadaas.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool