4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 27, 2015
Puntland oo Walaac ka Muujisay xayiraadda xawaaladaha Soomaalida ee USA

Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdi-wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka qayb-galay shir looga hadlayay go’aankii xukuumadda Maraykanka ay ku joojisay xawaaladihii lacagta u soo diray jiray wadanka Soomaaliya.

Shirkan oo shalay galinkii danbe dhacay madaxtooyada Garowe ayaa lagu falanqeeyay saameynta ay arintan ku yeelan karto kumanaan kun oo ruux ,kuwaasi oo noloshoodu ay ku tiirsanayd lacagaha qoysaskooda ay uga soo diraan dibadda gaar ahaan Maraykanka.

“Dowladda Puntland waxa ay ka xuntahay ,kana walaacsantahay talaabada lagu hakiyay xawaaladaha Soomaalida  “ayaa lagu yiri war ka soo baxay kulankan oo  ay joogeen inta badan xubnaha golaha wasiirada Puntland.

“Tani waa mid horseedi karta dhaqaale bur-bur hor leh oo soo gaara dalka iyo guud ahaan qoysaskii ku tiirsanaa kaalmadan “ ayaa mar kale lagu yiri war-ka ka soo baxay shirka ,xilli sicir barar baahsan laga dareemayo guud ahaan gobolka.

Kulankan waxaa kaloo lagu soo hadal-qaaday dagaalladii ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ku dhex maray buuraha Gal-Gala iyo nabad-galyada qaybo kamid ah Puntland oo ay ka dhaceen falal amniga liddi ku ah.

Ugu dambeyn, waxaa shirkan warbixinno looga dhagaystay guddiyada dib u eegidda dhaqaalaha ,shaqaalaha iyo ciidamada ,waxaana kulankan aan lagu soo hadal-qaadin xiisado ka dhex-jira dowladda iyo xubno madaxweynuhu xilalka ka qaaday maalmo ka hor.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]