4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 27, 2015
SAWIRRO: Saraakiisha AMISOM oo Markoodii ugu horeysay booqday Cadaado


Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Degmada Cadaado oo ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia laguna qabanayo shirka maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe ee Somaia ayaa waxaa markii ugu horreysay tagay saraakiil iyo ciidammo ka tirsan AMISOM.

Saraakiisha AMISOM waxaa Cadaado kusoo dhaweeyay madaxda maamulka Ximin iyo Xeeb, kuwaasoo saraakiisha soo tusay goobta loogu talo-galay in lagu qabto shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Mudug iyo Galguduud.

Waxaa la qorsheynayaa in ciidammo ka socda AMISOM la geeyay halka lagu qabnayo shirka maamulka gobollada dhexe lagu dhisayo, sida ay saraakiisha AMISOM ka sheegeen degmada Cadaado.

Xubnaha ka socda AMSIOM ayaa sidoo kale qiimeyn ku sameeyay meelaha la dajinayo ciidamada AMISOM ee loogu talogalay inay ilaaliyaan shirka iyo ergooyinka ka qayb-galaya oo ka imaanaya deegaannada Galguduud iyo Mudug.

Ugu saraakiisha AMISOM ayaa dib ugu soo laabteen Muqdisho, iyadoo lagu wado inay xogaha ay kasoo heleen degmada Cadaado u gudbiyeen taliska AMISOM si loo qorsheeyo ciidamada la geynayo degmadaas.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ay saraakiisha ka socda AMISOM ay ku tageen Cadaado ayaa imaanaysa xilli madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in shirka maamul sameynta gobollada dhexe uu billaabanayo 01-da Maarso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya