4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 27, 2015
Shirka ka Socda Magaalada Dhuuso-mareeb oo Waqti Dheeraad ah lagu daray


Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Shirka dib u heshiisiinta ah ee ka socda Magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa waqti dheeri ah lagu daray, xilli uu sheegay mdaxweynaha Somalia bartamihii bishan in lagu soo gaba-gabeeyo shirka bishan, si shirka dhismaha maamulka uu u billowdo bisha Maarso horraanteeda.

Afhayeenka shirka, Maxamed Nuur Diini ayaa sheegay in wax-garadka shirkaan ka qayb-galaya ay isku afgarteen in waqtiga uu ku yar yahay, ayna xilli dheeraad ah ku darsadaan muddada uu shirku soconayo.

Inkastoo afhayeenku uusan sheegin muddada lagu daray inuu shirkan kusii socdo, ayuu hadaana xusay in waxgaradku ay isla garteen in xilligan aysan habboonayn in siyaasad loo gudbo, ayna doorbideen in shirka uu sidii loogu u socdo wax walbana si tartiib-tartiib ah ay ku dhameystiraan.

Dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay afhayeenku in wax gacan ah aanay ka geysan shirkan, isagoo xusay in shirka ay wataan dadka ka qaybgalaya oo keliya.

Muddo kordhintan ayaa imaanaysa xilli dowladda Somalia ay sheegtay inuu shirka cadaado ee dhismaha maamulka gobollada dhexe billaabanayo 01-da bisha Maarso ee nagu soo beegan.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda si dhab ah looma oga xilliga lasoo gaba-gabeynayo shirka dib u heshiisiinta ah ee ka socda Dhuuso-mareeb, kaasoo la sheegay inuu saldhig u noqon doono dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya