4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 27, 2015
Burcadbadeed Somali ah oo Madax-fursho kusii daayay shaqaale u afduubnaa


Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa sii daayay afar badmaaxe oo u dhashay dalka Thailand, kaddib afar sanadood oo ay afduub ugu haysteen bartamaha Somalia, sida la shaaciyay Jimcaha maanta ah.

Madaxfurasho lacageed oo gaaraysa 400,000 oo doollar ayaa lagu sii daayay badmaaxiinta, waxaana burcadbadeeddu ay afartaan bad-maaxe ku haysteen deegaanka Camaara oo ku yaalla gobolka Mudug.

Agaasimaha xafiiska la dagaalanka burcadbadeedda Galmudug, Cumar Sheekh Cali ayaa sheegay in wadahadallo muddo dheer socday ay suuro-gelisay inay burcadbadeeddu sii daayaan badbaaxiintan.

“Lacag madaxfurasho ah ayaa la siiyay burcadbadeedda, ugu dambeynna waxay suuro-gashay in lasii daayo Khamiistii shalay ahayd, waxaana bixiyay madax-furashada lacageed qoysaskooda iyo dowladda Thailand,” ayuu yiri Cumar Sheekh Cali.

Mid ka mid ah dadkii wadahadallada lagu sii daayay badmaaxiintan ku jiray oo diiday inuu magaciisa sheego ayaa xusay in afduubayaasha la siiyay 400,000 oo doollar, laakiinse ma bixin faahfaahin intaas ka badan.

Sidoo kale, Cumar Sheekh ayaa sheegay in wadahadallada badmaaxiintaan lagu sii daayay ay kaalin weyn ka qaadatay hay’adda Q/Midoobay u qaabisay la dagaalanka daroogada iyo dambiyada ee UNODC.

Wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka dabiiciga ah ee maamulka Galmudug Cali Jaamac ayaa isaguna sheegay in Qaramada Midoobay ay door weyn ka qaadatay sii daynta afartaan nin ee afduubka lagu haystay tan iyo Oktoobar 2011-kii.

Bad-maaxiintan ayaa la socday markab lagu magacaabo FV Prantalay 12, kaasoo xeebaha Soomaaliya lagu afduubay 18-kii Abriil 2010-kii, inkastoo xilli dambe ay burcaddku kusii daayeen markabka madaxfurasho, iyagoo kala haray shaqaalihii.

Ugu dambeyn, qoysaska badmaaxiintan ayaa kaalin weyn ka qaatay sii daynta wiilashooda, iyadoo isla shalay loo duuliyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya si Thailand oo ah dalkooda loogu sii dhoofiyo.

Si kastaba ha ahaatee, burcadbadeedda Somalia ay afduub ahaan u haysta 26-badmaaxe oo la sheegay inay ahaayeen shaqaalihii markab lagu magacaabo FV Naham 3, iyadoo loogu baaqday burcadbadeedda inay badmaaxiintaas weli afduubka ku jira ay si dhaqso ah kusii daayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya