4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 27, 2015
Wasaaradda Amniga Somalia oo sheegtay inay baaritaano badan sameynayso


Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia ayaa sheegtay inay dajisay qorshe lagu adkeynayo amniga Muqdisho, kaddib markii toddobaadkii hore ay ka dhaceen caasimadda Qaraxyo lala beegsaday hoteel ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda Somalia.

Qorshahan ayay wasaaraddu ku sheegtay inay tahay mid lagu baarayo goobaha gancsiga ah ee garaka loo leeyahay iyo hoteellada si amniga guud ee caasimadda loo adkeeyo.

Afhayeenka Xukumadda Somalia, Ridwaan Xaaji C/wali sheegay in baaristan ay saameyn ku yeelan doono shacabka, sidoo kale shacabka iyo xubnaha ka tirsan dowladda looga baahan yahay inay dul-qaad sameeyaan inta baaristu socoto.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo laba qof oo rag iyo dumar kala ahaa ay qaraxyo is-miidaamin ah ka geysteen Central Hotel oo ku dhow Villa Somalia halkaasoo ay ku dhinteen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowladda, ayna sidoo kale ku dhaawacmeen mas’uuliyiin kale.

Weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab ee Somalia, iyadoo afhayeenkooda uu sheegay inay la beegsadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo hoteelkaas ku shirsanaa.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in dadkii weerarkan geystay ay laba qof oo ka yimid dalalka Yurub qaarkood ay ahaayeen, kuwaasoo la sheegay inay ku jirtay haweeney hoteelka ka shaqeynaysay muddo afar bilood ah.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay dowladda FS, iyadoo mas’uuliyiinta dowladda ay siyaabo kala duwan uga hadleen, isagoo weerarkan uu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee dhaca tan iyo 2009-kii markaasoo sidan oo kale hoteel loogu dilay afar wasiir oo xukuumaddii KMG ahayd ka tirsanaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya