4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 27, 2015
Machadka Heritage oo soo Bandhigay Daraasad la Xiriirta Federaalka Somalia


Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Machadka daraasaadka Soomaaliya ee Heritage ayaa soo saaray daraasad ku saabsan federaalka Soomaaliya, iyadoo warbixinta machadka lagu xusay in dadkii ay la hadleen ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen federaaliisimka Somalia.

Heritage ayaa sheegtay inay codad ka ururisay 213 ruux oo ku kala nool magalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Gaalkacyo iyo Garoowe ay intooda badan ku adkaatay fahamka federaalkiisimka la doonayo in Somalia lagu maamulo.

KISMAAYO: Ka qayb-galayaasha Kismaayo waxay ahaayeen kuwa ugu rabitaanka badan hannaanka federaalka iyadoo 88% dadka xog uruurinta laga sameeyay ay sheegeen in federaalka uu ku habboon Somalia. Sidoo kale 29% kuwa taageeray hannaanka federaalka waxa ay tilmaameen inuu federaalku yahay hannaan muhiim u ah yareynta colaadaha. Tanina waxay ahayd xog filan-waa ah.

Magaalada Kismaayo waxay ahayd magaalo lagu dagaallamayay illaa 1991-kii. Iyadoo ah magaalada seddexaad ee ugu weyn dalka iyo mid ka mid ah magaalooyinka Soomaaliyeed oo dad kala duwan ay deggen yihiin.Dadka qaar badan ayaa waxay u arkaan federaalka inuu yahay hannaan lagama maarmaan ah oo lagu yareyn karo colaadaha raagay.

GAROOWE: Ka qaybg-alayaasha aqoon-wadaaggii magaalada Garoowe ayaa ah dadka labaad ee aadka ula dhacsan federaalka. 69% ayaa yiri hannaanka federaalka wuxuu muhiim u yahay in Somalia ay dib uga soo kabato 25-kii sano ee burburka dowladeed uu jiray. Sidoo kale 78% waxay sheegeen inuu federaalku yahay nidaamka ugu habboon. Halka 9% ay doorbideen dastuur, kaasoo ah kan ugu baahsanaan badan ee hannaanka federaalka. Illaa iyo xad, tani waxay xaqiiq u tahay xariirka u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah. Ujeeddooyin la taaban karo awgeed, Puntland howlaheeda iyada oo aanay kor kala socon dowladda federaalka ah ayay qabsataa.

BAYDHABO: magaalada Baydhabo oo ah magaalo-madaxda gobolka Bay iyo mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Koonfur-galbeed Soomaaliya. Waxaana ka taliya maamul dhawaan la dhisay, kaasoo caasimaddiisu tahay Baraawe. Dadka magaaladaas dagana waxay soo mareen dagaallo sokeeye.

1992-dii, waxa lagu naaneesay magaaladii geerida sababta oo ah abaarta waxay dhaliyeen dhimashada qiyaastii 500-qof maalin kasta. Sidaa si la mid ah 2011-dii, abaartii dhacday waxaa la sheegay inay galaafatay 268,000 oo ku noolaa Somalia, sida ay qortay Qaramada Midoobay. Tiro aad u badan oo ah dadka ay saameysay abaartan waxay kasoo jeedeen gobollada Koonfurta.

Afar-meelood seddex meel 75% dadka ka jawaabay afti-cilmiyeedka waxay tilmaameen in federaalka uu yahay xukun baahinta ugu wanaagsan ee Somalia. Sidoo kale 40% waxay la xariiriyeen inay u gobollada ay deggan yihiin u madaxbannaananayaan – taas oo ah tirada ugu badan ee shanta magaalo ee ra’yigaas qaba. Tani ma ahan mid layaab leh, marka la eego awood u diididda taariikheed oo ay soo mareen bulshadaas tan iyo markii xorriyadda la qaatay xornimadii.

MUQDISHO: Ka-qayb-galayaasha cilmi-barista Muqdisho waxay beeniyeen aragtida tuhun ahayd oo laga qabay. Waxaa aad loogu maleynayay in dadka Muqdisho ay yihiin inta badan federaal diid ah, laakiin tiro aad u badan 73% ayaa waxay sheegeen in federaalku yahay hab maamulka ugu habboon ee  Somalia lagu maamuli karo. Tani waxay noqon kartaa calaamad tusinaysa in aragti beddel ku timid dadka dega caasimadda iyo xaqiiq u weecasho ah in uu federaalku yahay hanaan lasii ogaa inay Soomaaliya qaadaneyso.

Si la mid ah magaalooyinka kale, tiro badan oo gaareysa ilaa 56%  waxay ku sheegeen hannaanka federaaleynta dalka ee hadda socda in uu yahay mid khaldan sababtoo ah ma ahan mid cad dadkana ay kawada qeybgalayaan, ayay tilmaameen.

HALKAN KASOO ROGO WARBIXINTA OO DHAMEYSTIRAN

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya