4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 27, 2015
Akadeemiyada Giuseppe Pitre oo Prof. Dufle u Aqoonsatay Shaqsiga Sanadka


Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Machadka Giuseppe Pitre oo xaruntiisu ku taallo magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga ayaa shaqsiga sanadka 2015-ka u aqoonsatay Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed, iyagoo gudoonsiiyey abaal marin qaali ah.

Xaflad si wanaagsan loo agaasimay oo arintan la xiriirta ayaa waxaa lagu qabtay tiyaatarka weyn oo ku yaalla bartamaha magaaladda Palermo ee dalka Talyaaniga, taasoo ay soo abaabushay Akadeemiyada caalamiga ee “Giuseppe Pitre”.

Waxaa ka soo qayb galay munaasabadaas wufuud sare oo ka kala socota dawlado kala duwan iyo Ururada samafalka caalamiga ah qaarkood.

Xafladaasi waxaa khudbado kala duwan ka soo jeediyay wufuuddii ka soo qayb gashay kuwaasoo Prof. Dufle ugu hambalyeeyey darajada shaqsiga sanadka ee ay u aqoonsatay akadeemiyada Giuseppe Pitre iyo abaal marinta la gudoonsiiyey.

Guddoomiyaha Akadeemiyada caalamiga ee “Giuseppe Pitre” Prof. Giovanni Giampino ayaa munaasabadaas ka jeediyey khadbad isagoo ku dhawaaqay in Prof. Dufle ay u aqoonsadeen shaqsiga sannadka 2015  ee nabadda iyo u gargaarka bulshada, isagoo ka dibna  gudoonsiyay Billadda iyo shahaado sharafta ay akadeemiyadiisa bixiso sanad walba taasoo la siiyo qofka ay u aqoonsato shaqsiga sanadka.

Prof. Giampino wuxuu ku dheeraaday waxqabadkii bani’aadan-nimo ee uu Prof. Dufle u qabtay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhinacyada caafimaadka iyo dib u howlgelinta waxbarashada dalka gaar ahaan Jaamacadda Banaadir.

“Waxaan aaminsanahay in Prof. Dufle uu yahay shaqsi ku dayasho mudan oo muteystay inaan siino bilad iyo abaal marin qaali ah, una aqoonsano shaqsiga sanadka  marka loo fiiriyo waqtiga uu u soo hurey iyo Juhdiga uu ku bixiyey howlaha waxtarka u leh bulshada, waxaana ku boorineynaa inuu dedaalkiisa halkaas ka sii wado” ayuu yiri Prof. Giampino.

Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud (Dufle) oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay abaal-marintaan la gudoonsiiyey isagoo u mahad celiyey Akadeemiyada caalamiga ee “Giuseppe Pitre oo u aqoonsatay shaqsiga sanadka.

“Farxad ayey ii tahay bilada iyo abaal-marintan aan gudoomay, waana mid igu sii dhiirigelinaysa inaan sii kordhiyo howlihii bani’aadam-nimo ee aan bulshadayda u hayey, guushaan waxaa ila wadaaga dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhaqaatiirta aan ka soo wada shaqaynay u adeegidda bulshada iyo asaaskii Jaamacadda Benaadir” ayuu yiri Prof. Dufle oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia ahna gudoomiyaha guddiga adeega bulshada ee Baarlamanka.

Munaasabadaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Talyaaniga kuwaasoo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Jaaliyaddaas Dr. Cusmaan M. Gacal (Osman John) iyo xubno kale.

Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle ayaa ka mid ah Musharaxiinta sanadkan 2015 u taagan bilada caalamiga ah ee Nopel Peace Price gaar ahaan dhinaca waxqabadka bulshada, isagoo noqonaya dhaqtarkii ugu horeeyey Qaarada Afrika ee ka mid noqda musharaxiinta biladan Nopelka u taagan. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya