4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 27, 2015
Koox hubeysan oo xalay weerartay guriga Guddoomiyaha G. Bari ee Puntland


Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa xalay soo weerarey guriga uu magaalada Boosooso ka degen yahay Guddoomiyaha Gobolka Bari  C/samad Maxamed Gallan.

Ku dhowaad toban nin oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca iyo bumbooyin ayaa guriga oo ku yaal xaafaadda New Bosaso kaasoo weeraray dhowr jiho.

Iska-hor imaad xooggan ayaa dhex maray ilaalada Guddoomiyaha iyo kooxda duulaanka soo qaaddey, waxaana weerarka ku dhintey askari ka tirsanaa ilaalada mid kalena wuu ku dhaawacmey.

Lama oga khasaaraha soo gaarey dableyda oo iyagu baxsadey waxyar kadib markii ciidamo ka tirsan booliska oo gurmad ahi halkaas gaareen.

Waa weerarkii saddexaad ee noociisa ah ee muddo bil gudaheed ah ka dhaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Labadii weerar ee kan xalay dhacay ka horreeyey waxaa mas'uuliyaddooda sheegtay ururka Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya