4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 27, 2015
MAXAMED CAMBARO: "Waxaan leeyahay Ma jirto Xuduud si rasmi ah u Xiran"

Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland, Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro) ayaa sheegay in aanay jirin xad xiran, isla markaana ku dooday inuu xadka Jabuuti iyo Somaliland u dhexeeya furan yahay.

“Anigoo Socdaalka Somaliland ka madax ah, wax allaale iyo wax xidhan oo Xuduud ahi ma jirto. Wax xagga Jabuuti naga soo gaadhay iyo wax xagga Wasaaradda Daakhiliga naga soo gaadhay midna ma jiro, waxaan Ogahay Xuduuda Somaliland iyo Jabuuti inay furan tahay” ayuu yidhi Taliyaha Socdaalka Somaliland Maxamed Cali  Yuusuf.

Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf, waxa uu sheegay in Mandaqada Geeska Africa tahay meel aan amaan ahaan deganayn dawlad walbana masuul ka tahay amaankeeda “Waxaan leeyahay Xuduud si rasmi ah u xidhani ma jirto. Somaliland iyo Jabuuti Xuduudeedu way furan tahay, Ciddii sugan ee dan u leh ee Xalaal ahina way gali kartaa waanay ka soo bixi kartaa” ayuu yidhi Taliyuhu.

Hase yeeshee, wararka aanu ka helayno xadka labadda dhinac ayaa sheegaya inuu xadku shantii maalmood ee u dambeeyey xidhan yahay, isla markaana aanay jirin wax u gudbi kara dhinaca Jabuuti, taasina ay keentay in Caanihii ka tagi jirey Somaliland ee Jabuuti gali jiray ku xaniban yihiin dhinaca Somaliland.

Dad ku nool lawyo-caddo oo khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegay inay dhibaato weyn kala kulmeen xuduudda xidhan, isla markaana ganacsiga iyo cuntooyinku uga iman jireen dhinaca Jabuuti, halka reer Miyiyga xuduudda ku teedsan ay caanaha geyn jireen Jabuuti.

“Horta waxa cajiib ah in gudoomiyihi gobolkuna wakhtiga uu doono gallo Jabuuti , isla markaana uu maantadan u dambeeyey uu galayey Jabuuti oo uu iska joogay hadana dadkii masaakiinta ahaana ku dhibaatooddan xadka, dadka halkan jooga waa dadkii sitay sharciga oo loo diiday inay galaan markiii ay gali kari waayeen ayey dhankeena usoo noqdeen, waxa jirta in dadkii reer miyiga ahaa e Caanaha geeni jiray ay iyaga iyo caanahoogiiba xadka meeraysanayaan oo khasaare badan kala kulmay xadkaasi xidhan”ayuu yidhi muwaadin jooga Lawyacaddo oo khadka telefoonka ugu waramayey HOL.

Xildhibaanadda golaha deegaanka ee degmadda Saylac ayaa gudoomiyaha gobolka Selel ku eedeeyey inuu ka dambeeyo xidhitaanka xadka, isla markaana marka uu doono uu Jabuuti tagayo marka uu doonna soo noqonayo, taas oo ay ku tilmaameen khalad uu qaranka ka gallay.

Dadweynaha dhaqan gobolka Selel ayaa arrintan ku dhaliilay gudoomiyaha gobolkaasi, kuwaas oo sheegay inay dantiisa kahoraysiiyo xilka uu umada u hayo, waxaanu  sheegeen inay inta badan uu Jabuuti ku maqan yahay.

Sidoo kale, gudoomiyaha gobolka Selel Cabdirisaaq Waabberi Rooble, ayaa isaguna sheegay in Jabuuti xadkeedda isku socodkii hakad ku yimid sababo amaan darteed, isla markaana ay ka war sugayaan inay si degdeg ah u furto xadkeedda oo uu xusay inay si ku meelgaadh ah u xidhay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland