4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 26, 2015
Dibadbax looga Horjeedo Joojinta Xawaaladaha oo Muqdisho ka dhacay (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo xayi-raadda xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo boqolaal qof oo ka qaybgalay dibadbaxan ay ku urureen taallada Daljirka Dahsoon.

Dibadbaxan ayaa waaxa ka qaybgalay dadweyne kala duwan oo ka kala yimid qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo watay boorar ay ku qornaayeen erayo ay uga soo horjeedaan xayiraadda lacagihii laga soo diri jiray Mareykanka.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa hadallo ka jeediyay goobta uu bannaanbaxan ka dhacay, iyadoo dhammaantood ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan talaabbadii bangiyada Mareykanka ay xiriirka ugu jareen xawaaladihii ay soo mari jireen lacagaha loosoo diro Soomaaliya.

Bannaanbaxan ayaa ahaa mid farrriin ugu diray xukuumadda Mareykanka, waxayka ka dalbadeen mas’uuliyiinta Washington inay xawaaladaha mar kale u ogolaadaan inay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee gudaha ku nool.

Kumannan Soomaali ah ayaa nolola ahaan ku tiirsan dhaqaalaha ay ka helaan ehelladooda dibadaha ku nool, iyadoo qiyaas la sameeyay ay sheegtay in lacagaha xawaaladuhu kasoo diraan Mareykanka oo keliya ay gaarayso halkii sano in ka badan laba bilyan oo doollar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya