4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 26, 2015
XISBI loogu Magac-daray KULAN oo Muqdisho looga Dhawaaqay (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Xaflad balaaran oo lagu daahfurayay Xisbi cusub oo loogu magac-daray Kulan ayaa maanta lagu qabtay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo ay munaasabadda ka qaybgaleen aasaasayaasha Xisbiga, xildhibaanno, siyaasiyiin, odayaaal dhaqan, aqoonyahanno iyo bulshada rayidka.

Munaasabadda oo lagu qabtay Hoteelka Maka Al-Mukarama ayaa waaxaa furitaankii ka hadlay, Maxamed C/raxman Cali (Siiriin) isagoo sheegay in aasaaska Xisbiga Kulan lagu howlanaa muddo hal sano ka badan.

Sidoo kale, wasiirkii hore ee gaashaandhigga Somalia, Muxyadiin Maxamed X. Ibraahim iminkanna loo doortay guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga oo goobta ka hadlay ayaa yiri. "Xisbigan waa mid waddani ah, in ku dhow 100-qof ayaana aasaasay."

Gudoomiyaha Xisbiga Kulan, C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnamij) oo ah suxufi soona noqday agaasimihii warfaafinta xafiiska Sh. Shariif Sh. Axmed iyo sidoo kale agaasimahii wakaalada Wararka Soomaaliya ee SONNA oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri. "Waxan dhaliilsannahay qaabka loo hoggaaminayo dalka, waxaan dareen-sannahay inaan ballan-qaadyadii laga dhabeyn, waxaana la wada ogyahay tiirarkii lixda ahaa inay dumeen.  Sidaa darteed Xisbiga Kulan waxaa aasaasay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ka go’an tahay inay dalka iyo dadka hoggaamiyaan cadaalad, fur-furnaan, talo-wadaag,  jecelna inay kusoo dabaalaan Somalia amni iyo kala dameyn."

Dhanka kale, guddoomiyaha oo sii hadlayay intaa ku daray. "Waxaan intaa ka hor la garab-taagannahay hoggaanka Soomaaliya xushmad iyo taageero markay saxan yihiin iyo toosin iyo tusaaleyn markay qaldamaan." 

Waxaa kaloo ka hadlay xafldada xildhibaan Goodir oo aasaasayaasha Xisbiga ka mid ah, Faadumo Xaaji Maye oo ku hadshay magaca garabka haweenka ee Xisbiga, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Saabir) oo ku hadlay magaca dhallinyarada, Cali Kaabsol oo isna magaca bahda wabxrashada ku hadlay, sidoo kale dhanka bulshada rayidka waxaa u hadlay Diini Maxamed Diini iyo Ugaas Axmed Ugaas Siid Cali oo magaca dhaqanka u hadlay.

Ugu dambeyn, mahadasha Midnimada & Dimuquraadiyada Somalia ayaa waxaa u hadlay xoghahayaha  guud, Cali Xareed oo ahaa wasiirkii hore ee Caafimaadka Somalia, waxaa kaloo goobta ka hadlay Cabdiwaaxid Cilmi Goon-jeex oo soo noqday ra’iisul waasarihii Somalia iyo wasiir hore.

HADDABA: SOO ROGO WARSAXAAFADEEDKA XISBIGA KULAN

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya