4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2015
Ninka dadka u Gowraca Kooxda Daacish oo la ogaaday Magaciisa iyo Dalkiisa


Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Ruuxa kooxda ISIS-DAACISH u gorwaca dadka ee dharka madowna ku labista, isla markaana ku hadla lahjadda British-ka, kaasoo dhowr qof oo ISIS oo u afduub ku qabsatay inuu gorwaco ayaa magiciisa saxda ah lagu sheegay Maxamed Emwazi, sida laga soo xiganayo warbixin dheer oo lagu daabacay wargeyska Washington Post.

Wargeyska WP ayaa sheegtay in Emwazi uu ka dhashay qoys hodan ah, uuna ku barbaaray Galbeedka magaalada London, uuna ku jiro da'da 23 illaa 29 sano jir. Waxaa la aaminsan yahay in sannadkii 2012-kii uu galay Siiriya, markasoo uu ku biiray kooxaha Daacish.

“Wax shaki ah iigama jiro in Maxamed Emwazi uu yahay John Jihad,” waxaa wargeyska u sheegay hadalkan mid ka mid ah saaxiibdii aadka ugu dhawaa, kaasoo ka mid ahaa dadka kashifay, wuxuuna intaas ku daray. “Wuxuu ahaa walaalkey oo kale… waan hubaa inuu isaga yahay qofkaas.”

Magaca John Jihadi ayaa la sheegay inuu u bixiyay qaar ka mid ah dadkii ay kooxda ISIS afduubka u haysan jirtay, kaasoo ugu dambyn madax-furasho lagu sii daayay.

Sidoo kale, wargeyska Washington Post ayaa warbixinteeda ku sheegtay in Emwazi uu ka baxay Jaamacadda West-minister ee London uuna ka bartay Computer Programing, isla markaana uu ahaa nin debci wanaagsan oo ay aad u jeclaayeen saaxibadiis.

Maxamed Emwazi ayaa sannadkii 2009-kii dhameeyay jaamacadda, iyadoo xilligaas ay isaga iyo laba nin oo saaxiibadiis ah oo mid yahay Jarmala ahaa magaciisana lagu sheegay Cumar iyo nin kale oo la yiraahdo Abu Talib ay ku aadeen safar dalka Tanzania, waase u suuro-geli wayday kaddib markii laga celiyay garoonka diyaaradaha; habeen kaddib ayaana dib loo tarxiilay.

Emwazi ayaa la sheegey inuu soo mareen magaalada Amestardam, waxaana uu sheegay in nin ka socda hay’adda Sirdoonka ee dalka Britain ee MI-5 uu su’aalo ku weydiiyay kuna eedeeyey inuu u socday Somalia si uu uga mid noqdo Al-shabaab. Emwazi ayaa diiday eedeyntaas, wuxuuna sheegey in MI-5 ay isku dayday inay shaqaaleysiiso oo ka dhigto Jaajuus, balse uu diiday.

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay in Emwazi uu go’aansaday inuu dib ugu noqdo dalkiisii hooyo ee Kuwait, isagoo shaqo ka helay shirkad Kambiyuutarro, sida laga soo xigtay farriin E-mail uu u soo diray saaxiibkiis. Balse bishii June, 2010-kii ayaa hay’ad ka hortaga argagixisada oo saldhiggeedu yahay Britian u diiday inuu dib ugu noqdo dalkiisa.

Ugu dambeyn, Maxamed Emwazi ayaan illaa hadda la ogeyn qaabkii uu ku galay Suuriya, balse waxaa daba-galkii hay’adaha sirdoonku ku kaliftay inuu calaamad u noqdo arxan-darrada kaddib markii uu kasoo muuqday filimmo is-daba-joog ah oo uu qaarkood si toos ah u fuliyay gawrac dad ay afduubka u haysteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya