4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 26, 2015
NAIROBI: Mas'uuliyiin si Online ah uga Hadlay Xiriirka Mareykanka iyo Afrika


Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika, Linda Thomas-Greenfield iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Bulshada, Doug Frantz, ayaa Warbaahinta si wadajir ah ugu qabtay shir jaraa’id oo looga hadlayay xiriirka u dhaxeeyo Mareykanka iyo wadamada Qaaradda Afrika.

Shirkaas Jaraa’id oo ahaa mid si toos ah internet-ka loogu qabanaayay ama “Online Press Conference” ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qaabka ugu wanaagsan ee looga warbixin karo, doorashooyinka soo socda ee sanadkaan la filaayo iney ka dhacaayo wadamo ka tirsan qaarada Africa. Musuq-maasuqa, La dagaalanka Cudurka dilaaga ah ee Ebola, Xaalada wadanka Koonfurta Sudan iyo dhibaatooyinka ay sameeyaan Kooxaha Al Shabaab iyo Boko Xaraam.

Labada Masuul ee shirkaas qabtay, ayaa waxey ka jawaabeen su’aalo badan oo qoraal ahaan looga soo weydiiyay wadamo kale duwan, kuwaasoo E’mailo loogu diray; ka hor intii shirkaas jaraa’id uunan bilaabanin.

Linda Thomas-Greenfield, ayaa su’aalihii la weydiiyay badankoodu waxey ku saabsanaayeen Siyaasadda dowlada Mareykanka, iyo iskaashiga kala dhaxeeyo Dalalka Saxaraha ka hooseeyo ee ku yaallo qaarada Africa, iyo qaabka Mareykanku uu u taageeraayo ama oga’ war-haayo doorashooyinka Qaran ee sanadkaan ka dhacaayo wadamada ka tirsan Qaarada.

DHAGEYSO: Qaar ka mid ah Su’aalihii ay ka jawaabtay Linda Thomas-Greenfield 

Sidoo kale Danjire Linda Thomas oo horay u aheyd Safiirka Mareykanka u fadhiyo wadanka Liberia, ayaa waxaa wax laga weydiiyay arrimaha Somalia iyo Safiirka cusub ee dowlada Mareykanka ay dhawaan u soo magacowday Somalia. Iyadoona ka jawaabtay su’aal ku saabsaneyd goorta ay Safaaradoodii dib ga furan doonaan Somalia.

“Waxaa socdo qorshihii lagu furi lahaa, waxeyna ku xiran tahay xaalada ammaan iyo isbadala maalin kasto dhaco. Laakin waxaan rajeynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan dib aan ugu furan doono safaaradeena”, ayey tiri Linda Thomas-Greenfield oo ku eedeysay Al Shabaab iney sameynayaa wax kasto oo ay oga hortagi karaan guulo ay dadka Soomaaliyeed gaaraan iyo xasilooni ka dhacdo Somalia.

Dhanka kale Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Bulshada Doug Frantz, oo muddo 35 sanadood ka badan ahaa Wariye iyo Tifatire Wargeys, ka hor inta uusan ku biirin Wasaarada bishii September ee sanadkii 2013. Isla markaasna ka soo shaqeeyay ilaa 40 dal, ayaa isagana inta badan ka jawaabay su’aalo ku saabsanaa sida Wariyayaashu ay oga warbixin karaan Doorashooyinka iyo qaabka ay u qaataan su'aalaha ku saabsan tabinta doorashada iyo xorriyada Saxaafada.

Shirkaas Jaraa’id ee Online-ka ahaa, ayaa Wariyayaasha Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kenya waxay oga qeyb galeen Safaarada Mareykanku uu ku leeyahay Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya, iyadoona  wariyayaal badan oo joogo wadamo kala duwan ay qadka internet-ka soo galeen; si ay u dhagaystaan isla markaana su’aalo u weydiiyaan labadaas masuul ee ka tirsan dowlada Mareykanka.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya