4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 26, 2015
Ciidamada Amaanka Kenya oo Xabsiga Dhigay in ka badan 100 Itoobiyaan ah


Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Ciidanka booliiska dalka Kenya ayaa 101 ruux oo Itoobiyaan ah xiray Talaadadii lasoo dhaafay, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay yihiin kuwo dadka u tahriibiya dalka Koonfur Afrika, iyagoo marin uga dhiga Kenya.

Eedeysanayaashan ayaa kasoo muuqday maxkamad, laakiinse dacwadooda ayaa dib loo dhigay, kaddib markii la sheegay inaysan aqoon afka Ingiriiska oo ay ku hadlaan oo keliya afka Amxaariga.

Taliyaha ciidamada baarista dambiyada ee waddanka Kenya, Noah Katumo ayaa xusay in Itoobiyaankan lala soo xiray saddex qof oo Kenyan ah, iyadoo la sheegay in ay ahaayeen kuwo dadka tahriib-doonka ah kasoo tallaabiya xadka labada dal u dhexeeya.

Sidoo kale, Katumo ayaa xusay in raggan laga soo qabtay sadex guri oo ay ka degenaayeen magaalada Nairobi ee xarunta Kenya habeenkii Isnaanta, isagoo intaas ku daray in dadkan ay ku lug lahaayeen dhoofinta tahriibayaasha.

Booliiska Kenya ayaa horay u sheegay in dadka wax tahriibiya sidoo kale loo isticmaalo gudbinta hubka sharci-darrada ah, daroogada, faanta maroodiga iyo waxyaabo kale.

Ugu dambeyn, sannadkii lasoo dhaafay ayaa xadka qaybiya dalalka Tanzania iyo Kenya lagu xiray 95-qof oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo u socday waddanka Koonfur Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya