4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 26, 2015
Baaqyo Nabadeed oo loo jeediyay Dhinacyada ku Diriraya Degmada Guri-ceel

Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Iyadoo wali ay taagan tahay xiisada colaadeed ee ka dhax aloosan dhinacyada ku dagaallamaya degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud, ayaa waxaa isa soo taraya baaqyo nabadeed ee loo jeedinayo xoogagga iska soo horjeeda oo wali isku hor fadhiya dulleedka degmada.

Xildhibaanno, odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka soo jeeda gobollada dhexe ayaa ugu baaqay saraakiisha ciidammada dowladda iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca in ay u hogaasamaan xabad joojintii lagu hishiiyay kana foojignaadaan dagaal danbe oo dhaca.

Xildhibaan Ubax Tahliil oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa sheegtay in nasiib darro tahay dagaallada dib uga soo cusboonaaday gobollada dhexe, gaar ahaan degmada Guri-ceel.

“Odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha bulshada waxaan ugu baaqeynaa in ay ku baxaan joojinta colaada micno la'aanta ah ee ka taagan degmada, dhinacyada iska soo horjeeda waa in ay u turaan dadka shacabka ah, haddii ay jiraan arrimo leysku hayana looga waddda-hadallo si degan ayeey tiri'' xildhibaan Ubax Tahliil.

Dagaallada oo wali muuqda kuwo aan lagu guuleysan in la joojiyo, ayaa ku soo beegmaya xili maalmaha soo socda la fillayo in degmada Cadaado uu ka furmo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid oo dhawaan ka hadllay aragtidiisa colaada  dagaallada Guri-ceel, ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiyiin ku lug leh dagaallada, waxaana uu ku baaqay in la sii hurin colaada halkaa ka jirta.

Gabi-ahaanba waxaa hakad ku jira dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee degmada, xaafaddaha qaarna waa kuwo cidlo ah oo dadkii degnaa ay isaga barakaceen, waxaana bartamaha iyo daafaha degmada lagu arkayaa gadiidka dagaallka xoogagga Ahlu Sunna oo wali gacanta ku haya maamulka degmada Guri-ceel.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya