4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 26, 2015
Madaafiic lagu Weeraray Madaxtooyada Somalia iyo Al-shabaab oo Sheegatay


Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Madaafiic aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa maanta kusoo dhacay gudaha xarunta madaxtooyada Somalia, iyadoo uu ku dhintay hal qof mid kalena waxaa kasoo gaaray dhaawac fudud, sida ay sheegeen saraakiisha amniga DFS.

Qaar ka mid ah hoobiyeyaasha ayaa madaxtooyada gudaha u galay, sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan, iyagoo ku dhacay goobo gaadiidka la dhigto oo ku yaalla gudaha xarunta madax-tooyada Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa xiray waddooyinka laga galo xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo dadka u diidaya inay gudaha u galaan madaxtooyada iyo guryaha ku dhow.

“Ugu yaraan afar madfac ayaa kusoo dhacay goob gaadiidka la dhigto oo ku taalla gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku geeriyooday ruux ilaalo ahaa oo halkaas ku sugnaa,” ayuu AFP u sheegay C/raxmaan Maxamed oo ka mid ah saraakiisha amniga Soomaaliya.

Goobjooge ku sugnaa gudaha madaxtooyada oo lagu magacacaabo, Maxamed Xasan ayaa isna u sheegay in duqeyntu ay dhaawacyo xooggan u geysteen baabuurtii goobtaas yaallay, kuwaasoo qaarkood muraayaduhu ay ka burbureen.

"Firirka madaafiicda ayaa waxay burbur u geysteen muraayadaha gaadiidkii goobtaas la dhigtay, waxaan kaloo arkay ruux uu dhaawac fudud kasoo gaaray fikirka," ayuu intaas ku daray Maxamed Xasan oo la hadlayay AFP.

Sidoo kale, waxaa hoobiyeyaal ay ku dhaceen agagaarka safaaradda Jabuuti oo u dhaxeysa madaxtooyada iyo tiyaatarka Qaranka, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ay illaa hadda geysteen madaafiicdaas.

Weerarkan duqeynta ah ee lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya ayaa mas'uuliyaddiisa waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab, iyadoo afhayeenkooda howlgallada Sh. C/csiis Abuu-Muscab uu sheegay inay iyagu ka  dambeeyeen hoobiyeyaasha lagu duqeeyay Villa Somalia. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya