4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 26, 2015
Dowladda Soomaaliya laga Dalbaday in ay Farageliso Arrimaha Xawaaladaha


Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Somalida ku nool Washington ayaa ka rajeynaya dowladda Soomaaliya inay ka caawiso sidii dib loogu diri lahaa lacagaha ay u diri jireen ehelladooda ku dhibaateysan Somalia, kaddib markii uu joojiyay bangigii ay xawaaladaha Soomaalida la lahaayeen xiriirka oo ku yaalla gobolka California.

Guddoomiyaha xarunta Abuu-bakar Islamic Center, Maxamed Jaamac ayaa sheegay in xayiraadda lagu soo rogay xawaaladaha Soomaalida ay dhibaato weyn ku tahay mustaq-balka kumannaan qof oo ku nool Soomaaliya, kuwaas oo dhaqaale ka heli jiray ehelladooda dibadaha ku nool.

“Dhaqaalaha ay dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku nool dhaqaalaha ay ku helaan ehelladooda ayaa nololl u ah,” ayuu yiri Maxamed Jaamac oo intaas ku daray. “Aabbayaal badan iyo walaalo badan ayay noloshoodu ku tiirsanayd lacagaha ay ka helaan eheladooda, haddii aysan helin lacagtii ay eheladooda u diri jireenna khatar ayay noloshoodu galaysaa.”

Xildhibaan Adam Smith iyo xubno kale oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa lag uwwadaa inay maanta oo Khamiis ah la kulmaan saraakiil ka tirsan maamulka Obama iyo sagaal xubnood oo ka socda hay’ado kala duwan si ay ugala hadlaan sidii xal muddo gaaban ah loogu heli lahaa xawaaladaha.

“Qiyaas qoysaska aan heli karin dhaqaale kale oo ay ku noolaadaan, iyadoo aysan ka jirin Soomaaliya bangiyo lacagta loo marin karo sida ay noloshoodu noqon karto,” ayuu hadal-kiisa ku daray Jaamac.

Ugu dabeyn, Axmed Jaamac ayaa sheegay in xayiraadaha xawaaladaha ay saameyn aad u xooggan ku yeelanayaan 10,000 oo qof oo magaalo walba oo ka tirsan Soomaaliya ku nool, sida ay sheegayaan qiyaasaha la sameeyay.

Si kastaba ha ahaatee, bangiyada dalka Mareykanka ayaa diiday inay xiriirka xawaalaha Somalia sii wadaan, iyagoo sheegay inay baqdin ka qabaa inay u gasho gacanta lacagaha la mariyo kooxo argagaxiso ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya