4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2015
Maamulka Jaamacadda Muqdisho oo kulammo la qaatey ardeyda [SAWIRRO]

Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Maamaulka sare ee Jaamacadda Muqdisho qaybta Boosaaso ayaa kulamo kala duwan la qaatey ardayda dhigata iyo kuwa ka qalinjabiyey Jaamacadda, kulamadaas ayaa ujeedadeedu ahayd dhiirigalinta ardayda, wacyigelin ku saabsan ahmiyadda ay leedahay tacliinta sare iyo iskuxirka ardayda.

Kulamadan ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Prof. Cali Sheekh Axmed Abubakar, Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Maalmulka Ustad Ibrahim Maxamed Mursal, Kaaliya gudoomiye kuxigeenka Arimaha Akademiga Ustad Cali Dahir Maxamed, Maamulaha Qaybta Bosaso Ustad Cabdullahi Sheekh  Cabdisalaam, Maamaulka Qaybta Boosaaso, barafasooradda Jaamacadda, ardaydii ka qalin jabisay iyo kuwa dhigta Jaamacadda.

Ugu horayn waxaa maamulka sare ee Jaamacaddu u qabtay ardayda dhigata kulliyadaha kala duwan barnaamij furan, maamulaha qaybta Boosaaso Ustaad Cabdullahi Sheekh Xasan ayaa ka warbixiyey guud ahaan Jaamacadda qaybteeda Bosaso, ardaydana ku boorieyey in ay dadaalan, cilmi barista iyo aqoonta aad u raadiyan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Prof. Cali Sheekh oo intaas kaddib hadalka qaatey ayaa ardayda siiyey muxaadaro balaaran oo isugu jirta waxbixino guud oo ku saabsan Jaamacadda iyo tacliinta sare ardaydana ku booriyey ahmiyadda ay leedahay waxbarashadu.

Dhanka kale, maamulka sare ee Jaamacadda ayaa la kulmay ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda oo isugu jira dufcadii 1aad, 2aad, iyo 3aad, kuwaas oo samaystay dallad isku xirta ardayda.

Munaasibad lagu daah furayey dalladaas ayaa waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Prof. Cali Sheekh Axmed, Mamulaha Jaamacadda qaybta Puntland Cabdullahi Sheekh Xasan iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Prof. Cali Sheekh Axmed ayaa sheegay inay muhiim tahay in ardayda ka qalinjabisay Jaamacaddu ay noqdaan kuwa midaysan  lehna golayaal isku xira oo ay xubno ka yihiin naadiga qalinjabiyeyaasha ee Jaamacadda.

Mamulaha Jaamacadda Muqdisho qaybta Boosaaso, Ustaad Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay dalladan ay ku midaysan yihiin saddexdii dufcadood ee ka qalinjabiyay Jaamacadda Muqdisho faraceeda Puntland, wuxuuna sheegay inay ardaydu isku dan yihiin isla markaana ay tahay arrin dhiirigalin mudan.

Qaar ka mid ah Ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda Muqdisho oo dalladan samaystay ayaa sheegay in muhiimadda dalladaasi tahay sidii ardeydu xogta u kala qaadan lahaayeen isla markasna is-badal muuqda ula imaan lahaayeen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya